Dr Abbiy oo U Riyaaqay Qabsashada Ciidankiisa ee Magaalada Makelle

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo bartiisa Facebook-ga soo dhigay qoraal uu sheegay inay ciidanka dowladdu si buuxda ula wareegen Magaalada Makelle ee caasimada Gobolka Tigree-ga, kaddib dagaal cir iyo dhul ah oo ay maanta qaadeen.

 

 

Ciidanka ayuu sheegay iney la wareegeen goobaha muhiimka ah ee danta guud sida garoonka diyaaradaha iyo xafiisyada heya, adaha dowladda.

 

 

Abiy ayaa sheegay inuu soo gebagabeeyay qorshe lagu doonayay in lagu kala gooyo Itoobiya, kaasoo uu xusay inay soo abaabuleen kooxo tiro yar oo ay hoggaaminayso kooxda TPLF.

 

 

“Ciidamada Qaranku waxay haatan magaalada Makelle gudaheeda ka raadinayaan dembiilayaashii kooxda TPLF, si loo soo qabto sharcigana loo horkeeno” ayuu yidhi Raisul Wasaaraha.

 

 

Haddii dhab noqoto qabashada magaalada Makelle waxay noqon doontaa guul muhiim ah oo u soo Hoyatay dowlada Itoobiya,

 

Inkastoo dad badan ay qabaan in dagaalku uusan halkaas ku dhamaan doonin, xoogagii TPLF ee laga adkaadayna ay bilaabo doonaan dagaal jabhadeyn ah oo daba dheeraada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker