Guddoomiyaasha Baarlamaanada Somaliya iyo Jabuuti Oo Gaadhay Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed ee Baydhabo.(Sawiro)

Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu qayb ka yahay guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti ayaa maanta gaadhay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Lafta-gareen,guddoomiyaha Golaha Wakiilada Koonfur-galbeed iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka ayaa magaalada Baydhabo si weyn ugu soo dhoweeyay wafdiga guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan oo uu qeybta ka yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xumad.

Wafdigan ayaa magaalada Baydhabo uga qayb galaya furitaanka kalfadhiga 5-aad ee golaha wakiilada Maamulka Koofur-Galbeed,Guddoomiye Mursal ayaa waxaa safarkiisa Baydhabo ku wehliya Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka iyo Wasiiro.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo shalay magaaladaas uu gaaray wafdi uu hoggaaminayay Madaxwaynaha Maamulka Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Muqdisho.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker