JUBBALAND Ayaa Sheegtay Inay Dimasho Sababtay Xayiraaddii Ay Dawladda Federaalku Kusoo Rogtay

Madaxweyaha dib-loo-doortay ee Maamulka Puntland,Ahmed Maxamed Islaam,ayaa ka hadlay saamaynta Taban ee ay keentay Xayiraaddii ay Dawladda Federaalku kusoo rogtay Diyaaraha tagaya Magaaladda Kismaayo,ka dib markii ay Dawladda Federaalku ka biyo-diiday qaabkii ay u dhacaday Doorashadda Jubaland. Ahmed Madoobe,ma sheegin Tiradda rasmiga ah ee dadka ay saamaysay arrintaasi,balse waxa uu xusay inay dawladda Federaalka ah kula xisaabtami doonaan dhibaatadda soo gaadhay shacabka reer Jubbaland. Waxa uu intaas raaciyay in halkii wada-hadal ah lagu dhameyn lahaa Khilaafka labadda dhinac ay Dawladda Federaalku Door bidayso in cadaadis la saaro Jubbaland. Dhinaca kalena,Madaxweynaha JUBBALAND,waxa uu sheegay in aanay Somaliya ka jirin Siyaasad loo dhan yahay,waxaana uu kasoo hor-jeestay shirkii Iskaashiga Somaliya iyo Beesha Caalamka ee shlaya lagu soo gabo-gabeeyay Magaaladda Mudisho. Dhanka kalena waxa usoo dhaweeyay is-bahaysiga ay samaysteen qaar ka mid ah Xisbiyadda Siyaasadda Somaliya oo ay ku jiraan Xisbiyadda ay hogaamiyaan Madaxweyneyaashii soo maray Somaliya ee Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker