Xukuumada Cusub ee Dalka Suudaan Oo Horyaal Kubada Cagta Ah U Qabatay Haweenka

Taariikhda markii ugu horaysay waxa dalka Sudan laga bilaabay tartan horyaal ah oo dhinaca kubada cagta ah oo ay dumarku ciyaarayaan, waxana tartankan oo bilaabmay maalintii shalay ahayd garoonka kubada cagta ee Khartoum Stadium ,oo ay ciyaartaasi  ka Soxotay, Waxaana soo  buux dhaafiyay taageerayaal ku dhawaaqayay hadalo ay ku taageerayaan xukunka rayidka ah ee dalkaas ka hana qaaday.

 

In la qabto kulan noocan oo kale  oo u ogolaanaya haweenka inay kubada cagta meel fagaare ah ku Cayaaraan  ayaa ahayd wax aan lagu fikiri Karin intii uu xukunka ahayay Madaxweynihii hore Cumar Al-Bashiir oo shareecada islaamka ku soo rogay dalkaas markii uu qabsaday sanadkii 1983.

Mervat Hussein, oo ah madaxa qaybta haweenka ee xidhiidhka kubbadda cagta Suudaan, oo ka qeybgashay ciyaartaas furitaanka ahayd ee qabsooontay isniintii ayaa ku tilmaantay labaadadaas fursad dahabi ah.

“Ciyaartoy badan ayaa sugayay fursadan oo kale, way rumowday waana fursan dahabi ah oo ku soo dhamaatay in ciyaartii kubada cagta ee Haweenku ay qabsoontay lana ciyaarayo ayay tidhi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker