Bakhtiga Xuur Oog ilaa Hargeysa la soo waday oo lagu Sheegay Gorgorka Dadka Cunay (WARBIXIN)
Hargeysa (OWN)-Sawirrada Xawayaanka Dadka cunay, qaarna dhaawacay ee deegaannada Somaliland iyo Itoobiya lagu dilay iyo siday uga duwan yihiin Shimbirta Taliska Booliska Jimcihii maanta lagu soo bandhigay ee lugaha dhuudhuuban kaga bogo sawirradan hoose.
Xawayaankan lagu soo bandhigay Taliska guud ee Ciidanka Booliska Somaliland oo uu Askari ka tirsan Boolisku ku dilay deegaanka Oog, ka dib markii sida uu sheegay Shimbirtan duulaaga ahi weerartay isaga. Hase-yeeshee, waxay u eegtay Xuur caadi ah, isla markaana uma eka Xawayaanka Gorgor-weynaha doolka ah lagu sheegay oo ka waawayn Gorgorkii hore dalka loogu yaqaannay amma u joogi jiray.