Madaxwayne Farmaajo Oo Donlad Trump kula Kulmay Magalada New Yourk.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Marwada Koowaad ee dalka ayaa ka qeyb galay kulan soo dhaweyn ah oo uu Madaxweyne Donald Trump u sameeyay madaxdii kasoo qeyb gashay Meertada 74-aad ee Golaha Qaramada Midoobay.

Kulankan soo dhaweynta ah uu sameeyay Madaxweyne Donlad Trump ayaa waxaa kasoo qeyb galay madax ka qeyb galeysa shirka golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ee ka socda magaalada New Yourk.

Madaxweyne Farmaajo oo ay garab taagan tahay Marwadiisa Zaynab Cabdi Macalin ayaa munaasabada waxa ay isku arkeen sawir wadajir ahna la galeen Madaxweynaha Mareykanka Donlad Trump.

Farmaajo ayaa markii ugu horeesay tan iyo markii xilka Madaxweynaha loo doortay ka qeyb galaya shirka golaha amaanka ee Qaramada Midoobay , waxaana Madaxweynaha beri la filayaa in khudbad dheer uu ka jeediyo shirka New Yourk ka socda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker