Agaasimihii Wasaaradda Warfaafinta JSL Ee Iscasilay Oo Arrimo Musuqmaasuq Loo Xidhay

Ciidamadda Booliska ee Somaliland ayaa xalay xabsiga u taxaabay Agaasimihii hore ee Wasaaradda Warfaafinta somaliland Dr. Cismaan Xuseen Warsame oo laba maalmood ka hor iska casilay xilkaasi.

Xadhiga Dr. Cismaan Xuseen Warsame ayaa dad ka ag dhaw wasaaradda warfaafintu waxa ay sheegeen in uu ka danbeeyay ka dib markii uu soo galay raadadka musuqmaasuqa ee ka jiray wasaaradaasi.

warku waxa uu intaasi ku daray in ay jiraan saraakiil kale oo ka tirsan wasaaradda warfaafinta oo iyagana lagu raad joogo.

 

Dr. Cismaan Xuseen Warsame ayaa markii uu xilkaasi iska casilay u sheegay wakaaladda wararka Ee SOLNA “Waan iska casilay xilkii aan ka hayey Xukuumadda sababo la xidhiidha Arrimo caafimaad, waxaan madaxweynaha u gudbiyey waraaqdii iscasilaada, waanu iga aqbalay. Waxaan uga mahadcelinayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi sidii wanaagsaneyd ee aanu u soo wada shaqeynaynay muddadii aan Agaasimaha Guud ka soo ahaa Wasaaradaha Ganacsiga iyo Warfaafinta labadaba,”

Cismaan Xuseen Warsame.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker