BUUG CUSUB OO LAGA QORAAYO TAARIIKH NOLOLEEDKII ABWAAN QAASIM.
Akhyaareey waad salaaman tihiin dhamaantiin. Waxa runtii farxad weyn oo aan la soo koobi karin ii ah in maanta aan u istaagay in aan buug dhan walba u dhamays tiran aan ka qoro. Taariikh nololeedkii dahabiga ahayd ee aan marnaba duugoobi karin ee uu lahaa, Alle ha u naxariiste, abwaankii weynaa ee reer Somaliland. Abwaan Ahmed Ismail Diriye. “QAASIM”.
Hadaba Buugan oo daabacadiisa ay gacanta ku qaban doonto shirkada weyn ee caanka ah ee loo yaqaano SagalJet. Waxaan runtii aad ugu mahad naqayaa kulankii aan la qaatay masuuliyiinta shirkada SagalJet. Waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa saaxibkay Abdiraxmaan Baasto oo ka mid ah masuuliyiinta sarsare ee shirkada Sagaljet. Oo dabcan masuul ka noqon doona diyaarinta, isku dubaridka iyo dabcan soo saarista buugan intaba.
Waxa buugan Abwaan Qaasim loo samayn doonaa Daahfur weyn oo balaadhan oo ay ka soo qayb geli doonaan masuuliyiin sar sare oo ka socda dhanka dalwada Somaliland iyo dhamaanba bulshada rayidka ah. Hadii Allaha awooda lihi ogolaado.
Waxaan hadaba si xushmad iyo qadarinba leh aan uga codsanaynaa dhamaanba dadka haya warbixin dhab ah oo ku aadan taariikh nololeedka abwaanka ama wakhti qaali ah la soo wadaagay abwaanka, Alla naxariistii Janno haka waraabiye. in ay nala soo xidhiidhaan si ay noola wadaagaan taariikhdaas.
Hadaba waxaanu u baahanahay dadka haya suugaantii dahabiga ahayd ee abwaanka, haday noqoto gabayo, sheekooyin iyo dabcan xaalado kaloo badan oo aad la soo qaadatay Abwaanka intaba in aad noogu soo hagaajiso cinwaanada ka muuqda poster ka..
Hadii aad u baahato waxaanu kaa qaban doonaa waraysi cod ah ama Video. Hadii aad rabto inaad warbixinta abwaanka aad noo soo dirtana. sida poster-ka ka muuqata. waxaad nagala soo xidhiidhi kartaa. Email ka ah. info@somalilandfoundation.com ama tilifoon number-ka ah. +252 633 544 439. Ama WhatsApp number ka ah. +252 633 165 005.
Waxa Buugan Sponsor gareeyey oo kharashkiisana bixinaaya isla markaasna daahfur weyn oo balaadhan u samayn doona waa anigoo ah miskiinkii Alle. Amb. Mohamed Ismail Hussein. (Balishire)….. Founder & Managing Director: Horn of Africa Relief & Development Organisation. (HARADO)
ABWAAN QASIM…. WAS PROBABLY ONE OF THE MOST DYNAMIC, CHARISMATIC AND COMPLETELY IRREPLACABLE ICONS THAT THIS NATION HAS EVER PRODUCED. !!!!!