Dibadbaxyo lagu dalbanayo Iscasilaada madaxweyne Al-Siisi oo ka bilowday Masar

Kumanaan kun oo dibadbaxayaal ah ayaa isugu soo baxay magaalooyinka waaweyn ee dalka Masar kuwaasi oo bilowday maalinimadii shalay ee Jimcaha.

Dibadbaxayaasha ayaa dalbanaya in xilka uu ka dego Madaxweynaha madaxweyne Cabdifataax Al-Siisii.

Ganacsadaha masaafuriska ugu nool dalka Spain ee lagu magacaabo Maxamed Cali ayaa ugu baaqay shacabka in ay dibadbaxaan hadii uu Jimcaha iscasilin Xilka.

Mr Cali ayaa ku eedeeyay Cabdifataax Al-Siisii in uu hantida qaranka ku iibsaday hoteelo iyo daaro Waaweyn.

Muuqaalo la soo dhigay baraha bulshada ayaa ku qeylinayay ma cabsaneyno, Sisi waxaa waajib ku ah in uu shaqada ka Tago.

Dibadbaxayaasha ayaa isugu soo baxay magaalada Qaahira caasimada labaad ee Alexandria iyo magaalada Suez.

Dhanka kale ciidamo ka tirsan kuwa amniga oo aan wadan dareeska ciidamada ayaa dibadbaxayaasha ka hor istaagay in ay galaan fagaaraha Taxriir, halkaasi oo uu ka bilowday banaanbixii xilki looga tuuray sanadkii 2011-kii madaxweyne Xusni Mubaarak.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker