Qatar: Haayada xuquuqal insaanka ee Amnesty International oo eedeyn weyn u soo jeedisay Qatar oo la filaayo 2022 in lagu qabto ciyaaraha aduunka

Haayada xuquuqal insaanka ee Amnesty International oo eedeyn weyn u soo jeedisay Qatar oo la filaayo 2022 in lagu qabto ciyaaraha aduunka

AmnestyInternational warbixinteeda waxay ku soo qaadatay in shaqaalaha dhisaayaa Garoonka weyn ee logu talo galay in ciyaaraha aduunka lagu qabto in shaqaalaha dibada laga keenay in 4000 ay marayaan inta ku dhimatay intui dhismahaasi socday sababtuna tahay xaalada shaqo oo aad u adag cimilada, daryeel la’ aan, xuquuq la’ aan, iyagoo mushaharka dhawr bilood aan la siin.

Waxaa Qatar hore logu digay in ay wax ka qabato shaqaalahaas lakiin sida hada Amnesty International warbixinteeda ku shegtay waxba iskama bedelin.

Qatar waxay ku taalaa Jasiiradda Carbeed ee Gacanka Persian Khaliijka, waxayna noqotay mid ka mid ah wadamada adduunka ugu qanisan ka dib markii laga helay saliida iyo gaaska dabiiciga ah.

Sida ku xusan Factbook-ka CIA World, dalka waxaa lagu qiyaasa inay ku nool yihiin 2.3 milyan , kuwaas oo ilaa laba milyan ay yihiin shaqaale marti ah, ama shaqaale muhaajiriin ah.

Qadar waxaa xukumi jiray qoyska al Thani ilaa 1868. Amiirka hadda jira waa Tamim bin Hamad Al Thani.

Amb Abdirizaq Ahmed Ina-Afqaraf

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker