Xildh. Axmad Kaahin oo Argagax iyo Dhuumasho ku jira.

Xildhibaan ka Beesha Ciise ugu jira Golaha Barlamanka Somali land, Axmad Cabdi Kaahin (Ina Cabdi Casood) , ayaa La sheegayaa Inuu ku sugan yahay nolol argagax iyo cabsi ah kadib markii lagu eedeeyay ka danbaynta falkii lagu dilay Marxuum Xasan Muumin Suldaan oo beertiisa lagu dhex toogtay, hantidiisiina la gubay 17kii bishan September. 

Ilo ka ag dhaw Xildhibaan ka oo deggan magaalada Hargaysa ayaa sheegaya Inuu labadii Habeen ee u danbeeyay labo meelood oo Kala duwan seexday kadib markii uu aamini waayay gurigiisa uu ka deggan yahay Hargaysa. 

Xog laga helay dadyow xidhiidh la leh sirdoonka Somali land ayaa xaqiijiyay in xalay makhaayad ku taal xaafadda Xera_awr ee magaalada Hargaysa oo Caan ku ah cuntooyinka Wadaniga ah, lagu arkay 3 dhallinyar ah oo loo malaynayo inay reer Awdal yihiin oo hadal hayay sida ugu fudud ee loo heli karo xildhibaan ka dhuumanaya. 

Sidoo kale waxa lagu soo warramayaa in xaaladda caafimaad ee xildhibaan Axmad Cabdi Kaahin aad u liidato, kadib markii hordo la’aan ba’ani soo food saartay, iyada oo 3 jeer in kabadan la dhakhtariyay 73kii saacadood ee inna dhaaftay. 

Sida la ogyahay, Xildhibaan Axmad Cabdi Kaahin ayaa isaga oo Gargariiraya qabtay shir jaraaid isla maalintii Labaad ee dilku dhacay. Xildhibaan ka oo xakamayn Kari waayay dareenkiisa ayaa hab qirasho loo macnaystay uga faallooday dilkii waxshinnimada lahaa ee ka dhacay deegaanka Wadajir ee Saylac. 

Kadib, odayaal u hadlay qoyska marxuumku ka baxay ayaa wacad ku maray inay dili doonaan xildhibaan ka oo ay sheegeen Inuu isagu shiftadii dilka gaysatay soo abaabulay, waana sababta keentay in xildhibaan ka dhulku ku yaraado.

Buux cawaale

Buuxcawaale333@hotmail.com

JSL

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker