Dab ka kacay Diyaarad ka Duushay Muqdisho Oo Gaadhay Magaalada Nairobi
Sidda ay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo dab ayaa maanta ka kacay Gudaha Diyaarad dad Shacab ah ka qaaday Magaalada Muqdisho, islamarkaana gaadhay Nairobi.
Goobgoogayaal ayaa saxaafadda u xaqiijiyay in diyaaradda oo saarnaayeen rakaab Soomaali ah maanta barqadii ay ka duushay Muqdisho, islamarkaana uu dabku ka kacay intii ay Hawadda ku jirtay oo ay ku dhaweyd Garoonka Jummo Kenyatta.
Gaadiidka Dabdamiska Garoonka Jumma Kenyatta ayaa ku guuleystay in ay damiyaan dabka Diyaaradda ka kacay, waxaana dhammaan Nabad qaba Rakaabkii Soomaalida ahaa ee diyaaradda Saarnaa.
Qof ka mid ah dadkii la socday diyaaradda ayaa sheegay in ay dareemeen Wel wel badan laakiin ugu dambeyntii ay diyaaradda degtay oo Alle badbaadiyay.