Ra’iisul Wasaare laga helay cudurka Covid-19 labo maalmood kadib markii uu qaatay tallaalka

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Imran Khan  ayaa laga helay feyraska Karoona labo maalmood uun kadib markii uu qaatay tallaalka ka hortagga cudurka Covid-19 ee nooca lagu sameeyo dalka Shiinaha, sida uu sheegay wasiirka caafimaadka ee dalkaas.

Waxaana la sheegay in haatan Ra’iisul Wasaaraha uu isku karantiilayo gurigiisa.

Khan oo 68 jir ah wuxuu maalmihii u dambeeyay ka qeybgalay kulamo ka dhacay dalkaas.

Cudurka Covid-19 ayaa haatan kusoo laba kacleeyay Pakistan iyadoo dalka laga diiwaangeliyay dhimashada 13,799 qof iyo kiisas gaarayo 623,335.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker