Madaxweyne Muuse Biixi oo Shaaciyey Xilliga la Furayo Madaarka Caalamiga ah ee Berbera

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in bisha lixaad ilaa bisha sagaalad ee sannadkan dib loo furaayo madaarka caalamiga ah ee berbera kaasi oo xidhna in muddo sababo la xidhiidho dib u dhis lagu wadday

 

Madaarka ayaa loo dhisay hab cusub oo casri ah, kaas oo waafaqsan nidaamka dulimaadyadda hawada ee qaaradda.

 

Dawladda Somaliland ay doonayso in magaaladda Berbera ay noqoto xarun ganacsi, isla markaana ay u baahan tahay in madaarku noqdo mid gudaha iyo dibaddaba u shaqeeya, isla markaana ay isticmaalaan maalgashadeyaasha gudaha iyo dibadduba, iyada oo ay ka soo degi doonaan dalxiiseyaasha caalamiga ahi.

Furitaanka madaarka ee Madaxweynuhu sheegay ayaa kor u qaadi doono sumcadda Somaliland, iyada oo sidoo kalena la wado waddada isku xidhi doonta xuduudka Itoobiya iyo magaaladda Berbera ee Jamhuuriyadda Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker