Dawlada Denmark oo Sheegtay In Lasiiyo Caawimo Dhaqaale Qoysaska Danyarta Ah.

Gargaarkan ayaa gaadhidoona qoysaska qaata lacagta yar ee caydha ee looyaqaan Integrationsydelse amaba uu qabtey xeerka loo yaqaan kontanthjælpsloftet.

Dhaqaalaha kumeelgaadhka ah ee lasiindoono qoysaskandhaqaale xumidu taabatey ayaa u dhaxeyndoona  550 kr – 1250 kr  ilmihiiba,   Xeerkan kumeelgaadhka ahi waxa uu khuseyn doonaa  caruurta da’doodu u dhaxeyso 0 – 14 sanno.

Waxaa heshiiskan lagaadhey maanta gallinkii hore , waxaa lacagta caawimada ah ay helidoonaan qoysaskani 01.01.2020 ka iyada oo  looga soo bilaabidoono  01.08.19 ka,  taas micnaheedu waxa weeyi in bisha Janaayo sannadka dambe ay qoysasku helidoonaan halmar lacag ubiirtey oo ah 5 bilood.

Waxa la rajeynayaa in ay firsadan kafaaideysan doonaan 27,000 caruura oo kasoo jeeda qoysas danyar ah.

Bartamaha sannadka dambe ayaa gudi fadhiisan doonaa si ay u sameeyaan xal kale oo rasmiya oo kan degdega ah badala .

Arintan ayaa la rejaynayaa in ay nafis dhaqaale siiso qoysas badan oo culeys dhaqaale haystay 5 sanno ee lasoo dhaafey, kaas oo ay saartey dawladii hore ee uu hogaaminayey Lars Lykke.

Warkan waxaa qorey  wargeysa  Jylllands posten

Waxaa tajumey . Maxamed-amin Siyaad Cabdi

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker