Xeer ilaaliyaha qaranka Somalia oo war cusub kasoo saaray kiiska dacwada badda

Muqdisho-(OWN) – Xeer ilaaliyaha Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa si qota dheer uga hadlay arinta Badda Soomaaliya ee Kenya ay muranka galisay.

Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in Sagaalka bisha Sebtember uu dhageysiga kiiska Badda ka bilaabanayo Maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ee dalka Holland.

Afar maalin ayuu sheegay inuu socanayo dhageysiga kiiskaas.

Labo maalmood oo kamid ah Afartaas maalin ayaa la dhageysan doonaa, dooda Soomaaliya ay ku cadeynayso la haansheheeda badda la isku heysto.

Kenya ayaa sidoo kale labo maalmood fursad u heysata inay soo bandhigto cadeymeheeda ku aadan lahaanshaha biyaha la isku heysto.

13-ka bisha Sagaalaad ee Inugu soo Aaddan ayuu sheegay Xeer ilaaliyaha Soomaaliya inay Maxkamaddu soo gaba gabeyneyso dhageysiga kiiska Badda.

Wixii intaas ka dambeeya ayuu sheegay inay Maxkamaddu u fadhiisan doonto Xukunka kama dambeysta ah ee cidda iska leh Biyaha muranka badan ka dhex dhaliyey Wadamada Kenya iyo Soomaaliya.

Lama shaacin xiliga kama dambeysta ah ee uu soo baxayo xukunka Maxkamadda, balse waxaan gabi ahaanba jirin wax Racfaan ah oo ka furan kiiskaas.

Dadka Soomaaliyeed ayuu ka dalbaday Xeer ilaaliye Axmed inay u midoobaan kana qeyb qaataan difaaca iyo soo dhicinta dhulkooda.

Isagoo rajada Soomaaliya ay ka leedahay guusha kiiskaas ku tilmaamay inay tahay 99% in loo xugmi doono dhulkooda muranka la galiyey.

Halkaan ka dhageyso Codka Xeer ilaaliyaha:-

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker