Madaxweynihii 3aad Ee Jubbaland Oo Lagu Doortay Kismaayo
Madaxweynihii saddexaad ayaa la sheegay in maanta oo Jimce ah lagu doortay magaaladda Kismaayo, xarunta Jubadda Hoose.
Siyaasiga Cabdinaasir Seeraar ayaa wuxuu noqonaya shaqsigii ugu dambeeyay ee muddo 24-saac gudahooda ah xilkaasi sheegta.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in xubno kale ay saacadaha soo aadan ku dhawaaqi doonan in ay yihiin madaxweynaha Jubbaland.
Ma cadda qaabka ay ku timid doorashadiisa, balse Kismaayo waxay la ciir-ciireysaa wax lagu tilmaamay fowdo siyaasadeed.
Shalay ayey ahayd markii magaaladda madaxweyneyaal loogu doortay Axmed Madoobe iyo Xildhibaan Cabdirashiid Xidig.
Dowladda Soomaaliya ayaa horey u shaacisay in aysan aqoon-saneyn natiijadda doorashooyinka is-caleema saarka Jubbaland.