Xildhibaano ka Tirsan Barlamanka Ismaamulka Somalida Itoobiya Oo Xabsiga la Dhigay.

Labo xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Dawlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa xabsi la dhigay ka dib markii ay dawlada federaalka faldanbiyeedo kusoo eedeysay xildhibanadaasi,

Baarlamanka Ismaaamulka Somalida Itoobiya ayaa shalay xasaanadii ka qaaday Xildhibannada Nasradiin Canab iyo Farxaan Cabdi Maajuun,

taasoo maanta xalaalaysay in xabsiga la dhigo sida uu sheegay Xeer ilaaliyaha guud ee xukuumada Madaxwayne Cagjar mud.Cabdiwali Jaamac Ibraahim.

Xeer ilaaliyaha Ismaamulka Somalida ayaa sheegay in dawlada federaalka Itoobiya ay Xildhibaanadan la xidhay kusoo eedeysay falal dambiyeedyo kala duwan oo ay ka mid yihiin kicin bulsho iyo dad lalaayay, waxuuna xusay in dacwaddooda lagu qaado maxkamad ku taalla magaalada Addis Ababa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker