Wiil uu dhalay madaxweynihii Hore ee Dalka Somalia Maxamed Siyaad Barre oo goor-dhawayd Ku Geeriyooday Dalka Cumaan
Muqdisho (OWN) – War hadda nasoo gaaDHay ayaa sheegaya inuu geeriyooday wiil Uu dhalay madaxweynihii hore ee Soomaliya Maxamed Siyaad Barre oo lagu magacaabo Xasan Maxamed Siyaad Barre.
Xasan Maxamed Siyaad oo sidoo kale loo yaqaan Xasan Rubeeti ayaa mar ahaan jiray safiirka Soomaaliya ee dalka Cuman.
Waxa uu goordhow ku geeriyooday magaalada Masqad ee dalka Cumaan oo uu sanadihii u dambeeyey ku noolaa, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen.