Taariikhda Axmed Maxamed Islaam (Axmed-Madoobe) Intii Uu Siyaasadda Ku soo jiray
Axmed Maxamed Islaam oo ku magac dheer Axmed-Madoobe wuxu muddo ahaa shakhisyaadka ugu cadcad siyasaadda gobollada Jubbooyinka Gaar ahaana magaalada ugu weyne ee Dekedda Leh ee Kismaayo .
Wuxuu ahaa xubin ka tirsan Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ah waxaanu madax ka ahaa isla magaaladaa Kismaayo ilaa intii ay ciidamada Itoobiya ridayeen maamulkii maxkamadaha sannadii 2006.
https://youtu.be/hy4X6IDycS0
Sannadkii 2007-dii waxa xidhay ciidamada Itoobiya oo ku hayey Hotel Giyon oo ku yaal magaalda Addis Ababa, waxaa lagu sii daayey wadahadallo uu ku aqbalay in xilka loogu magacaabo xukuumaddii Sheekh Shariif sh Axmed, laakiin markii dambe ayuu ka goostay oo uu diiday xilkii Loo magacaabay.
Sannadkii 2008-dii, maleeshiyadii Raas Kaambooni oo uu hogaankeeda ka mid ahaa, oo ay isbahaysanayaan Al-Shabaab ayaa hadana magaalada Kismaayo dib u qabsaday.
Muddo ka dib waxa bilaabmay in ay labadii urur ee hubaysnaa ku loollamaan gacan ku haynta magaalada, ugu dambayntiina waxaa si buuxda Kismaayo iyo koonfurta Soomaaliya badankeeda gacanta ugu dhigay Al-shabaab, sannadkii 2009-kii.
Mar kale ayaa hadana bishii Sebtember sannadkii 2012-kii ayaa Al-Shabaab ay magaalada Kismaayo ka saareen ciidamada Kenya, oo hadana Axmed-Madoobe noqday xubin muuqata oo ka tirsan maamulkii maxalliga ahaa ee magaalada loo sameeyey.
15 May 2013-kii wuxuu ku guulaystay doorashadii madaxtinimada ee maamulkii Jubbaland ee la dhisay oo khilaaf badani ka dhashay.
Hase yeeshee waxay warbaahintu waagaa tabinaysay warar is burinaya oo qaarkood ay tibaaxeen ba in uu isagu isku cumaamaday hogaanka maamulkii la dhisay oo uu “xoog ku maroorsaday”, hase yeeshee waxa kale oo warbaahinta kale ku warantay inuu “cod aqlabiyad ah” ku guulaystay.
Inkasta oo ay isla markiiba maamulkiisa taageereen dawladaha Kenya iyo Itoobiya, hadana xukuumaddii Federaalka ahayd ee Soomaaliya muddo dhawr bilood ah ayay ku qaadatay in ay aqbasho. Waxa khilaafkii dhex yaallay markii dambe lagu dhameeyey dhexdhexaadin uu galay ururka IGAD.
qarxay baabuur walxaha qarxa laga buuxiyey isaga oo maraya Kismaayo gudaheeda waanu ku dhaawacmay. Weerarkaana waxa sheegtay Al-Shabaab.
Ergaygii gaarka ahaa ee xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa ku tilmaamay Axmed-Madoobe inuu yahay “qof qayb muhiim ah ka qaadanaya nabad raadinta iyo dib u heshiisiinta” Soomaaliya.
Xilalkii uu soo qabtay:
2006: Gudoomiyaha Jubbada Hoose – Maamulkii Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ah.
2009: Xubin sare oo ka tirsan ururkii Xisbul Islaam
2010: Taliyaha ciidamada Xisbul Islaam ee gobollada Jubbada Dhexe iyo Jubadda Hoose.
May 2010: Wuu ka baxay ururkaa oo wuxu noqday markii dambe ka mid noqday hogaanka ururkii Raas Kaambooni.
2013 – August 2019 Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland.
22 August 2019 waxa mar kale loo doortay madaxwenaha maamul goboleedka Jubbaland.
Doorshadan waxa hadheedhey khilaaf badan, waxaanay qaar ka mid ah mucaaradku ku eedeeyeen in ay ahayd hannaan isaga u xaglinayey.
Ergeyga xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Soomaaliya u qaabilsan, James Swan, ayaa isaguna dhaliilay sida loo waday qaban qaabada iyo hanaanka doorashada.
Warqad uu u diray gudoomiyaha gudida doorshada ayuu ku sheegay in waxyaabihii suurta gelin lahaa doorasho lagu wada qanacsanyahay aanay guddidu suurto gelinin.
Hase yeeshee guddoomiyaha gudida doorashada Jubbland ayaa warqad uu ugu jawaabay eedahaa ku tilmaamay kuwo aan jirin kagana codsaday in beesha caalamku itixiraamto shuruucda dawlad goboleedka iyo ta Federaalka ah ee ay ku shaqaynayaan isla markaana raalli gelin ka bixiso eeddaas.