Madaxweyne Muuse Biixi Oo Dalka Ku Soo Laabtey Kadib Gudashada Waajibaadka Xajka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo masuuliyiintii ku wehelinaayey gudashada waajibaadka xajka ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, xubno ka mida xukuumada, madaxda sare ee xisbiga kulmiye iyo siyaasiyiin kale.

Waxaana warbaahinta la hadlay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo ka mid ahaa xubnaha safarka ku wehelinaayey madaxweynaha Somaliland, isagoo ka hadlay wasiirku arrimo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen kulamo ay la yeesheen madax ka tirsan dawladda Sucuudiga ka dib markii ay soo guteen waajibaadkooda xajka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker