Maxaa Loo Shaacin Waayey Liiska Ardayda Ugu Saraysay ….. …. See Arrini Tahay ?!
Heegada Hargeysa ka arrimisa Jahliga iyo qabyaalada u saxiibka ah lagu ogayn mid Dugsigiisa boqolka ugu horeeya ka galay Abid haba joogto tobanka dalka ugu sareeya ee waxay garteen dhaqan soo jireen ah oo la isticmaalayey ilaa iyo waqtigii Ingriisku dhulka haystay inay joojiyaan dhaqankaa so jireenka ah oo ahaa in la iclaamiyo ardayda dugsiga sare iyo dhexe ugu saraysa oo kuwa dugsiga sare ugu sareeya iyagu ugu hor mudan yihiin wixii waxabarasho dibadeed dalka la siiyo kuwa dusiga dhexe ugu sareyaana waxbarashadooda dugsiga sare ayaa bilaash noqoneysa ……
Iyadoo Heego ka gaashamaneysa waji gabixii ka raacay shaqo qaran oo iyadoo ardaydii xaqa lahayd ku jirto imtixaankii Jamaacada Hargeysa isla waqtigaa boqol kale oo laga soo jiiday Xarshin oon wax shaqo qaran ah soo marin lagu xareeyey Hotel Hargeysa ku yaal Markii dhalinyaradii tidhi waar see wax yihiin, dhacday in la eryey ardaydii xaq u dirir ka ahayd ……………… Waxaanu cod dheer ku faraynaa Ra’aysal Wasaare Ku xigeen Dawlada Federaalka Jaalle Mahdiga Soomaliya inuu deeqaha waxabarasho ee Turkiga uu ku daro cadaalada u hiiliyo xaqa barbaristaago oo isagu soo raadiyo sedexdaa arday Inantaa reer Burco iyo labadaa wiil ee Masalaha ee ay JigJiga Yar dulmiday……………..Yeelkeede.
Markaa Liiska in la shaaciyo waxa loo diidan yahay waxa la doonayaa in tolka damiinka ah laga fuur yeelo deeqaha waxbarashada oon aanay meelaha kasoo muuqan wiil iyo gabadh yar oo leh anakaa ugu saraynoo waa nalaga tagay sidii dhacday sanadihii 2018/2017 iyo inaan la ogaan tayo xumida iskuulada dawlada tasoo dadka tuseysa inay Somaliland dabaqado tahay kala tagay .
Jaalle Muuse Biixi Cabdi Weligii Masuuliyad Muu Qaadin Hadii Laga Tagi Waayo Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ( AHUN) Ayaa Labo Bilood Wasiir Daakhili Ka Dhigay Waligii Mucaaridka Nooca Ugu Xun Ee Budhmaalka La Yidhaah Ayuu Ahaa Ee Ku Adima Khaldaadka Dawlada Weligiina Aan Ku Fakirin Xal Keen Iminkana Diyaar Uma Aha Duqu Sida Khudbadihiisa Ka Muuqatay Inuu Masuuliyad Qaado Halkaa Duqa AL – Xaaji Muuse Qaraami ah ku dhaaf……………..
Iminka halkan ka eeg Deeq waxbarasho oo min 300 arday ahayd ka timi Ethiopia la siiyey Punland iyo Somaliland sida ay u kala qaybiyeen Jaalle Muuse Biixi Cabdi Iyo Jaalle Cadiweli Cali Gaas
Qaybtii AL – Xaaji Muuse Qaraami ee 2018 iyo ta 2019 Insha’a Allah….
2018 2019
Hargeysa 190 Ardey → 200 Arday
Boorame 40 Ardey → 30 Arday
Gabiley 37 Ardey → 54 Arday
Burco 20 Ardey → 10 Arday
Sanaag 8 Ardey → 4 Arday
Sool 5 Ardey → 2 Arday
Qaybtii Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas Ee Geeska Afrika Iyo Shanta Qaradood Looga Sacab Tumay Standing Ovation ………………….. Halkan waxba iska badeli mayaan Madaxweyne Deni waayo sharci baa ka yaal …..
Nugaal 60 Arday
Barri 60 Arday
Mudug 60 Arday
Laascaanood 30 Arday
Buuhoodle 10 Arday
Xudun 10 Arday
Taleex 10 Arday
Badhan 20 Arday
Dhahar 20 Arday
Ceerigaabo 20 Arday
Mid Waliba 300 Boqol Buu Qaybiyey Midna Tolkii Buu Ka Fuur Yeelay Midna Umadii Uu Madaxweynaha U Ahaa Dadnimo Waa Loo Dhashaa Iibisi Lagu Waaye …..
Risiqiinni Iyo Kaayagii Waysku Ridateene
Ninkii Rodol Cirkaa Dhigan Lahaa Reedhi Loo Noqoye
Raaxada Hargeysa Iyo Gabiley Ruushan Haw Hadho’e
https://youtu.be/lEhW6i96aG8