Magaalada Gaalkacyo Oo Lagu Qabtay Ninkii Dilay Nimco Cumar Shire (Xuuray)
Mas’uuliyiin ka tirsan laamaha amniga Puntland ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay nin ku eedaysan dil habeen ka hor magaalada Gaalkacyo loogu geystay gabar lagu magaacaabi jiray Allah Haw Naxariito Nimco Cumar Shire (Xuuray).
Nimco oo da’deeda lagu sheegay 22 sano jir ayaa wakhtiga la dilay ka soo baxday salaadda Taraawiixda waxaana dhuunta tooray uga dhuftay koox hubaysan oo goobta ka baxsaday.
Gabadha oo dhaawac culus qabta ayaa markiiba loola cararay isbitaalka magaalada Gaalkacyo halkaasi oo ay ugu geeriyootay dhaawacii loo geystay.
Ciidamada amniga ayaa kadib saacado baadhitaan ah waxay xalay shaaciyeen in gacanta lagu hayo nin ku eedaysan dilka gabadhaasi kadib markii sida ay sheegeen la tixraacay raadad iyo tibaax la helay.
Marxuumad Nimco Cumar Shire (Xuuray).