Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL oo Hambalyo u diray shacabka Somaliland
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland Mudane Baashe Maxamed Faarax isagaย oo ku hadlaaya magaciisa, magaca Shirgudoonka, magaca xildhibaanada golaha Wakiilada iyo guud ahaanba magaca shacbiga Somaliland, meel kasta oo ay joogaan wuxuu hambalyo iyo boogaadin u dirayaa munaasibada islaamigaa ee weyn ee Ciidal Adxa ee saanadkan 1440 Hijriya kuna beegan 11 August 2019 ee taariikhda miilaadiga. Guud ahaanba shucuubta islaamka gaar ahaana shacabka reer Somaliland,ย oo uu leeyahay Nabad, badhaadhe iyo farxad ku ciida Rabbina sanadkaas sanadkiisa ha inagu gaadhsiiyo Caafimaadqab, Nabad gelyo, barwaaqo nololeed iyo qarankeena oo Quweystaย in shaa allaahu Kareem
Guul iyo Gobanimo ku Ciida dhamaantiin
Saleebaan Cabdisitaar Dubad (Samotaliye)
Agaasimaha Warbaahinta iyo xidh. dadweynaha
ee Golaha Wakiilada JSL