Oday Soomali Ah Oo U Digay Dhalinyarada Soomaaliyeed Inay Guursadaan Ajanabiga
Aabe Soomaaliyeed oo in u mudo ah ku noolaa qurbaha oo guursaday haweenay ajanabi ah oo u dhalatay dalka Jarmalka ayaa sheegay in carruurtiisii oo saddex ah si awood ah loogala wareegay isla markaasina lagu dhex hayey Kaniisad ku taalla dalka Jarmalka.
Waxa uu tilmaamay in la wareegida caruurtiisa ay keentay kadib markii uu khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo afadiisii ajanabiga ahayd waxana uu walaac ka muujiyay in uu dib u heli doono carruurtiisa iyo in kale
Waxa uu Aabe Cabdullaahi Diiriye uu baaq u diray dhalinyarada Soomaaliyeed ee guurka u raadsada qurbaha iyo kuwa qurbaha ku nool ee iyaguna guursada ragga iyo gabdhaha ajaanibta ah inay ka fogaadaan isla markaasina ay guursada Soomaalida .