Madaxweyne Muuse Biixi oo khilaaf ka Xukuumadiisa dhexdeeda ka bilaabma ku Xalliya Digreetooyin aan Cadaalad Ahayn
-Qaar-Ka-Mid-Ah-Hayaddaha-Dawlada-Oo-Madaxweyne-Muuse-Ku-Xaliyey-Digreetadii-
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sax iyo khaladba la saftay xubno xukuumadiisa ka
mid ah ka dib markii uu xilalkii waydaariyey xubnihii ay is hayeen ee dawlada ku
jiray.
Dhinaca kale khilaaf culus oo ka taagnaa wasaarada waxbarashada ayuu
madaxweyne Muuse Biixi ku xaliyey digreetadii uu xilka kaga qaaday wasiir ku
xigeenkii.
Khilaafka wasaaradan oo u dhaxeeyey wasiirka, agaasimaha guud iyo inta badan
agaasime waaxeedyada oo dhinac ah iyo wasiir ku xigeenka ayuu madaxweyne
Muuse Biixi la saftay garabkii isbahaysiga u samaystay wasiir ku xigeenka ee
agaasimaha guud abaabulay, waxaanu xil ka qaadis ku sameeyey wasiir ku
xigeenkii wasaarada ka dib markii garabka kale ku qanciyeen inuu dibada ka
dhigo wasaarada, iyada la sheegay in agaasimaha guud oo ay madaxweyne Muuse
isku deegaan yihiin uu awoodo dheeraad ah u isticmaalay wasiir ku xigeenkii.
xilka laga qaaday.
Sidoo kale khilaaf ayaa ka dhextaagnaa masuuliyiintii uu madaxweyne Muuse Biixi u magacaabay komishanka xakamaynta Aids-ka, Waxaana jirtay dacwad uu
madaxtooyada gaadhsiiyey agaasimihii fulinta Naasir Ayjeex Jaamac kaas oo
dacweeyey xubno ka mid ah komishanka oo uu sheegay inay baalmareen
nidaamkii shaqo, xubnahaas oo kala ahaa agaasimaha wacyigelinta iyo abaabulka
Muxuyadiin Yuusuf Ibraahin iyo Maxamed Abiib Yuusuf oo ahaa agaasimaha
daawaynta iyo daryeelka ee komishanka.
Madaxweyne Muuse Biixi ayaana iska indha tiray dacwada uu soo gaadhsiiyey
agaasimaha fulintu isaga oo khilaafkiina ku xaliyey inuu xilka ka qaado
agaasimihii fulinta Naasir Ayjeex Jaamac iyo agaasimihii daawaynta Maxamed
Abiib oo ka soo kala jeeday gobolada Awdal iyo Hawd halka aanu wax talaabo ah
ka qaadin agaasimihii wacyi gelinta iyo abaabulka Muxuyadiin Yuusuf Ibraahin
oo ay madaxweynaha isku deegaan yihiin isla markaana qayb ka ahaa khilaafka
ka dhexjiray komishanka xakamaynta Aids-ka.