Xarumaha Lagu Xareeyo Muhaajiriinta Liibya Oo Albaabada Loo Laabayo
Wasiirka arrimaha gudaha Liibya Fatxi Bashagha, ayaa shaaca ka qaaday qorsheyaal lagu xirayo saddex kamid ah xarumaha gu weyn dalkaas ee lagu xiro dadka muhaajiriinta .
Saddexda xarumood waxay ku kala yaallaan magaalooyinka Misrata, Tajoura iyo Khoms.
Hadalkan wasiirka ayaa imaanaya xilli Qaramada Midoobey ay ku baaqday in la xiro xeryahaas kaddib markii in ka badan 40 qof oo muhaajiriin ahaa lagu dilay xeryaha markii weerar lagu qaaday xarumahaas ku yaallay magaalada caasimadda ah ee Tripoli.
Liibya waxaa ka socda dagaallo u dhexeeyo dowladda ay taageerto Qaramada Midoobey ee fadhigeedu yahay Tripoli iyo maleeshiyaad taabasan Janaraal Khaliifa Haftar.
Toddobaadkii lasoo dhaafay 150 muhaajiriin ah ayaa ku qaraqmay xeebaha Liibya markii ay la degtay doonidii ay saarnaayeen.