Cudurka Ebola oo laga Cabsi qabo inuu U Tallaabo Bariga Africa

Toddobaadkaan ayaa fayraska cudurka Ebola waxa uu ka soo gudbay dalka Jamhuuriyadda Dumuquraadiga ah ee Congo una tallaabay dalka Uganda, balse waxaa jira sababo keeni kara in cudurkaasi la xakameeyo oo aanu u gudbin dhanka kale ee xuduudda.

Arooryadii hore ee Isniintii, qoys ka yimid Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ah ee Congo ayaa dib ugu soo noqday dalka Uganda, kaddib markii ay halkaas aas uga qayb galeen.

Oday waayeel ahaa ayaa u dhintay Ebola, gabadh uu dhalay ayaana dalka awgiis uga baxday, si ay u baxnaaniso.

Mar allaale iyo markii qoyskaasi ay gaareen meel u dhow xuduudda Uganda, ayaa waxaa soo ritay qandho iyo shuban.

Waxaa la geeyey goob caafimaad waana la karantiiley, intii ay baadhitaannadu socdeen.

Hase ahaatee, markii aasku dhamaaday  ayaa lix xubnood oo qoyskaas ka mid ahaa, uuna ku jiray canug shan jir ahaa ayaa ka baxsaday goobtii lagu hayey waxayna jibaaxeen waddo raf ah oo dhanka dalka Uganda aadda.

Dhowr cisho kaddib waxaa geeriyooday wiilkii yaraa iyo awoowgiis.

,

Ku dhawaad 120 kooxood oo hubaysan ayaa ku dhuumaaalaysanaya kaymo kuyaal Bariga dalkaas waxayna si joogta ah u af duubtaan ama u kufsadaan dad rayid ah.

 

 

Arrinta kale ee xaaladda si adkaynaysa ayaa ah, in dadwenaha deegaanadaasi aanay kalsooni ku qabin masuuliyiiinta dalkaas iyo sida ay uga jawaabaan xaaladaha adage ee cudurkaan.

Shaqaalaha caafimaadka ayaa badanaa raaca ciidamada, arrintaas oo ayaduna shaki dhalisa.

Marka ay arkaan shaqaalaha caafimaadka oo afar afar u socda ayaa dadka qaar waxa ay iskula hadlaan “waa mashruucii Ebola”.

Tan iyo markii uu cudurkaas dillaacay, in ka badan 100 weerar ayaa lagu qaaday shaqaalaha caafimaadka iyo xarumaha lagu daaweeyo cudurka Ebola.Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ah ee Koongo ayaa la daalaa dhacaysa sidii ay u maarayn lahayd, balse markii uu soo baxay warka sheegaya in fayrsaska Ebola uu ku faafay xuduudda, ayaa Uganda waxay qaadday tallaabo deg deg ah ayadoo tallaashay 4,700 oo hawlwadeenno caafimaad ah kana hawlgala 165 cisbitaal.Suuqyadii u dhawaa xuduudda ayaa albaabada loo laabay. Waxaana la hakiyey isu imaanshihii arrimaha diinta la xidhiidhay.Dadkii ayaa bilaabay in qofba qofka kale aanu taaban oo aanay salaanta iska qaadin.

Dagaalka ay Uganda kula jirto cudurka Ebola ayaa caddayn doona awoodda dawladda ee ku aaddan sidii ay ugu guulaysan lahayd kalsoonida dadweynaha.

Dalkaasi uma kala daadsana sida dalka jaarka la ah ee ay dhibaatooinku daashadeen, waxayna Uganda leedahay nidaam caafimaad oo xogggan.

Ugu yaraan waxaa jirta rajo ah in Uganda ay xakamayso faafidda cudurkaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker