Gudoomiye Ahmedyaasiin Sh Cali Ayaanle oo si Adag uga Hadlay Saami-qaybsiga Golaha Wakiilada

Boorama(OWN):-Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha wakiilada somaliland Axmedyaasiin Sheekh Cali Ayaanle ayaa ka hadlay dooda ay shacabka boorama ka qabaan saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada

Tamas oo laf dhuun sashay ku noqon karta Doorashooyinka Golaha Wakiilada haddii aan Xal waara Loo helin.

Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha wakiilada oo maanta ka hadlayey munaasibad lagu furayey bandhiga buugaagta Boorama ayaa sheegay inaanu waxba iska badalin mawqifkii uu ka taagnaa saami qaybsiga kuraasta golaha wakiiladu.

Gudoomiye Axmedyaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo ka hadlaya saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada waxa uu yidhi “Mowqifkaygii Saamiqaybsigu halkii aan hore uga taagnaa baan ka taaganahay. Mana ogolaanayno ilaa saamiga la saxo in Doorasho la galo ,Reer Awdalna maaha dad la yidhaahdo loo joojin maayo, martina ugama aha cid kale. Kursi jacaylna ima hayo, Mustaqbalka Awdalna uguma habranayo kursiga aan fadhiyo; hadii aan dhaafayo kursigana Marna ma ogolaanayo in xaqa reer Awdal la duudsiyo”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker