Dawladda Burundi Oo Xaqiijisay In Lix Askari Lagaga Dilay Duleedka Balcad.
Soomaaliya
Burundi Oo Xaqiijisay In Lix Askari Looga Dilay Duleedka Balcad.
July 29, 2019
Afhayeen U hadlay ciidamada nabad ilaalinta ee Burundi ee k Hawl gala Dalka Somalia ayaa ka hadlay weerar lagu diley ciidamo ka socda dalka Burundi ee ka howlgala gobolka Sh/dhexe.
Floribert Biyereke Afhayeenka Ciidanka Burundi ayaa sheegay in Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Ciidamada Burundi uu ku sugnaa meel u jirta 30km u Magaalada Muqdisho aynu ku dileen lix ka mid ah ciidamada Burundi halka la la’ yahay saddex kale.
Afhayeenka ayaa sheegay in saddexda askari ee ka maqan ay dhaawacmeen waxana uu xusay in ciidamadan la weeraray xilli ay jarayeen dhir ku taal wadada laamiga ah ee isku xirta Jowhar iyo Muqdisho.
Hase yeeshee, ururka Al-Shabaab ayaa sheegay in ay ku dileen weerarkaas illaa toban askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM.