Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia iyo Ku Xigeenkiisa oo Khilaaf ka dhex Curtay
Muqdisho – OWN) Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan oo ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa qaatay go’aan ku saabsan inuu shaqada u fasaxo Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka.
Guddigan ayaa waxaa horey u kala diray Guddoomiye Ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka oo soo saaray waraaq.
Guddoomiye Mursal ayaa shaqada u fasaxay Guddigaan oo horey loo sheegay in kala diray taasoo ay ka dhalatay muran badan.Guddiga Maaliyadda ee golaha shacabka Soomaaliya ayaa dood badan ka dhax dhaliyay fadhiga Baarlamaanka sifoo kale waxay mudo maalmo walaac ah geliyeen xukuumada kadib markii ay ku eedeeyeen musuq maasuq.Lama ogo haddii Guddoomiye Mursal uu arrintaan la ogyahay ku xigeenkiisa oo horey u kala diray guddigaan