Puntland oo sheegtay inay Goor dhaw Shaacin doonto Baadhitaano Lagu sameeyay Dilkii Loo gaystay Madixii shirkadda PD World

WMaamulka Puntland ayaa shaacisay in lasoo bandhigayo baadhitaano lagu sameeyay dilkii Dekadda magaalada Boosaaso loogu geestay Maamulihii Shirkadda maamuleysay Dekeda Boosaaso.

War kasoo baxay maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in lasoo bandhigayo natiijada baadhitaankii lagu sameeyay dilkii Boosaaso loogu geestay Maamulihii Shirkadda P&O Ports Paul Anthony Farmosa.

Nin hubeesan oo iska soo dhigay kaluumeesato ayaa gudaha Dekadda Boosaaso ku dhax dilay Paul Anthony Farmosa oo u dhashay Malta, waxaana masuuliyada dilkan sheegatay kooxda Al Shabaab.

Warkan kasoo baxay Puntland ee lagu shaaciyay soo bandhigista natiijada baadhista dilkii loo geestay maamulkiihii Shirkadda P&O Ports ee laga leeyahay dalka Imaaradaka ayaa kusoo aadaya xili dowlada Qadar lagu eedeeyay in falal ka dhacay Boosaaso ku lug laheyd.

Warbixin lagu daabacay Wargeyska New Yourka Times ayaa lagu sheegay in Qadar ku lug laheyd qarax ka dhacay Boosaaso, waxaana Warbixinta lagu xusay in ujeedku ahaa in Imaaraadka isaga tagaan Dekadad Boosaaso oo ay maamusho shirkad dalkaasi laga leeyahay.

© Heemaal News Network

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker