Deegaan Habkee Buu Ku Noqon Karaa Degmo Derejadeedu (A) Tahay Ama Gobol Buuxa??!!.
Deegaan Waan Dhul Balaadhan Oo Kulmiya Beelo Badan Oo Kala Duwan, Oo Wadaaga Aftirsiin Guud Ama Wadaaga Magac Guud Oo Deegaan, Degmo, Gobol Ama Wadan.
Deegaan Wuxuu Ka Bilaabmaa Dhul Xoolo Dhaqato Ah, Dhul Beero Falato Ah, Deegaan Xeebeed Kaluumaysato Ah, Deegaan Hodan Ku Ah Macdanta Ama Warshado Wax Soo Saar, Deegaankuna Wuxuu Ka Bilaabmaa Tuulo, Degmo ILaa Heer Gobol.
Shuruudaha Saxda Ah Ee Degmadda Laga Rabo:-
1. Degmaddu Waa Inay Noqotaa Degmo Kulmisa Qabiilooyin Badan Oo Aan Hayb Wadaagin.
2. Degmaddu Waa Inay Xukunto Ugu Yaraan Dhul Balaadhkiisa Iyo Dhererkiisu Dhan Yahay 100 Km.
3. Degmaddu Waa Inay Degmadda Kale Ee Ay Isku Derejada Yihiin U Jirtaa Ugu Yaraan 100 Km.
4. Degmaddu Waa Inay Hodan Ku Tahay Xoolaha, Beeraha, Kaluumaysiga, Macdanta Ama Warshado Wax Soo Saar Mid Ahaan.
5. Degmadda Dadka Deegaan Ahaan Ka Soo Jeedaa Waa Inaanay Tiradooda Ka Yaraan 100,000 Qof, Boqol Kun Oo Qof.
6. Degmaddu Waa Inay Leedahay Dhamaan Asaaska Bulshada Sida Dhakhtar Wayn Oo Caafimaad Oo Ay U Dhamaystiran Yihiin Dhakhaatiir Aqoon U Leh Cilmiga Caafimaadka, Waxbarasho Dhamaystiran Oo Ugu Yaraan Ka Kooban Dugsi Sare, Biyo Nadiifa Oo Degmadda Ku Filan, Isgaadhsiin, Laydh Ama Koronto, Saldhigyo Boolis Oo Nadaafad Leh, Booliska Ka Hawlgelayaana Ay Akhlaaq Diimeed Leeyihiin, Wasaaradaha Dawladda Oo Si Buuxda Uga Hawl gala Iwm.
7. Degmaddu Waa Inay Leedahay Dhaqaale Soo Gala Oo Shaqaalaha Kala Duwan Ee Ka Hawlgala Wasaaradaha Kala Duwan Mushahar Iyo Gunno Ku Filan.
Aqoon Daradda Barlamaanka Somaliland Haysta Waa Ta Keentay Inaanay Lahayn Aqoon Durugsan Oo Ay Ku Qeexi Karaan, Kuna Qiimayn Karaan Nuxurka Rasmiga Ah Ee Degmo Ku Fadhido, Ee Maan gaabnimadooda Shacabwaynaha Somaliland U Soo Bandhigay Codayn Gacan Ku Rimis Ah Oo Lagu Bixiyay Dhaqaale Badan Ama Daaha Dabadiisa Laga Hagayo, Barlamaanka Somaliland Oo Muddo Sharciyadeedkoodu Ahaa Shan Sano Lana Doortay 2005, ILaa 2019 Ay Weli Fadhiyaan Nidaam Xaaraan Ahna Ku Fadhiyaan Golaha Wakiiladda Muddo Sagaal Sano Ah, Oo Weli Aan Soo Saarin Shuruuc Shacabwaynaha Somaliland Ku Farxaan, Yagoo Soo Saara Shuruuc Shareecadda Islaamka Ka Soo Hor Jeeda, Ama Ay Soo Saaraan Wax Shacabwaynaha Kala Fogaynaya, Ama Shacabwaynaha Somaliland Dhiigooda Loogu Xalaalaynayo Ciidamo Ka Aradan Shareecadda Islaamka, Oo Aan Lahayn Damiir Wadaniyadeed, Ama Kala Fogaynaya Xukuumadda Iyo Shacabwaynaha Somaliland.
Madaxwayne Muuse Biixi Wuxuu Wakhti Wakhtiyada Ka Mida Kaga Khudbadeeyey Goboladda Bariga Somaliland Dhul Iyo Dadba Inay Yihiin 80%, Goboladda Bariga Somaliland Waxay Ka Bilaabmaan Bariga Saaxil, Togdheer, Sool Iyo Sanaag.
Golaha Wakiiladdu Muddo Sanad Ku Dhowaada Ayay Ka Doodayeen Degmooyinka Derejadooda, Doodoodiina Waxay Noqotay Buurtii Foolanaysay Ee La Is Lahaa Buur La Mida Ayay Foolanaysaa, Golihii Wakiiladdu Sanad Ku Dhowaad Ayuu Foolanayay Fooshiina Wuxuu Dhalay Irbad.
Way Yaaban Yihiin Degmooyinkii Qadiimiga Ahaa Ee Da’ahaan Ka Wayn, Dhul Ahaana Ka Balaadhan, Dad Ahaana Ka Badan, Dhaqaale Ahaana Ka Badan, Xaga Dhismaha Daaraha, Qurbahana Kaga Badan Iyo Balaadhka Degmaddaba 70% Ka Horeeya Degmadda Gabiilay.
Tusaale Degmadda Gabiilay Waxay Hargaysa U Jirtaa 44 Km, Gabiilay Iyo Wajaalena Waxay Isu Jiraan 46 Km.
Degmadda Boorama Waxay U Jirtaa Degmadda Saylac 243 Km.
Deegaamada Oodwayne Waxay U Jirtaa Degmadda Burco 53 Km.
Degmadda Buuhoodle Waxay U Jirtaa Degmadda Burco 191 Km, Degmadda Buuhoodle Waxay U Jirtaa Degmadda
Laas Caanood 139 Km.
Degmadda Caynaba Waxay U Jirtaa Degmadda Laas Caanood 104 Km,
Degmadda Caynaba Waxay U Jirtaa Degmadda Burco 128 Km.
Degmadda Badhan Waxay U Jirtaa Degmadda Ceerigaabo 163 Km.
Degmoba Degmadda Ay Ka Dhulwayn Tahay, Kana Dad Badan Tahay, Kana Wax Soo Saar Badan Tahay, Kana Dhismayaal Wanaagsan Tahay, Adeegii Bulshaddana Dhamaan Laga Helayo Haddii Caqligu Shaqaynayo Waa In Lagu Qiimeeyo Derejada (A), Degmooyinka Somaliland Degmooyinka U Qalma Derejada (A) Waxay Kala Yihiin:- 1. Degmadda Saylac, 2. Degmadda Buuhoodle,
3. Degmadda Caynaba, 4. Degmadda Badhan.
Degmooyinka Kale Ee Km Ay Degmadda Kale U Jiraan Uu Ka Yar Yahay 100 Km Waa In Laga Dhigo Derejada (B), Degmooyinka Kale Ee Km Ay Degmadda Kale U Jiraan Uu Ka Hooseeyo 50 Km Waa In Laga Dhigaa Derejada (C).
Gobolka Saaxil Waxaa Si Badheedh Ah Looga Saaray Laba Degmo Oo Kala Ah Degmadda Xagal Iyo Degmadda Laas Ciidle.
Saxafi Madax Banaan Qoraa Ahna Murashaxa Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland
Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood Hargeisa Somaliland Republic.