Prof Cabdisalaan Yaasiin Oo Kasoo Horjeestay Haddalkii Prof Buubaa
Prof Cabdisalaan Yaasiin ayaa sheegay in looga fadhiyo masuuliyiinta Xisbiga WADDANI inay ka haddlaan mawqifkooda ku aadan haddalkii dhawaan kasoo yeedhay Prof Ismaaciil Buubaa ee wejiyadda baddan loo sameeyey.
Prof Cabdisalaan Yaasiin ayaa sheegay in aan maanta aanay suurtagal ahayn in la hello shantii Somaaliyeed oo Dowlad ah“ 1950 iyo 1960-kii waanay ka baxday meeshii mid la hellayona maaha, sababtoo ah waxabaan oggolayn juquraafiga siyaasiga ah ee mandaqdu ku nooshahay,markaa shan Somaaliyeed oo la haddal hayaa wax iminka la wad-wadaa siyaasiyan iyo fikir ahaan-ba ,kasoo baxay oo ay dhalayso ayaan jirin-ba,waxa yimi tii 1960-kii iyadoo taa loo qal-qaalayo la galay ee Somaliland iyo Somaaliya oo midoobay tiina wey burburtay.”
Dhanka kale Prof Cabdisalaan Yaasiin ayaa sheegay inay Xisbiga WADDANI ay waajib ku tahay inuu ka haddlo mawqifkiisa haddalkii dhawaan kasoo yeedhay Prof Buubaa oo kamid ah masuuliyiinta Xisbiga WADDANI,waxaanu sheegay in Xisbiga WADDANI ay dadku tuhunsan yihiin siyaasiyan inuu qorshe siyaasadeed oo Somaaliweyn ah watto.
Prof Cabdisalaan Yaasiin ayuu haddalkiisa u dhignaa sidan:-“Waxa aanu u arragnaa Xisbiga inay waajib ku tahay inuu ka haddlo arrintaas sababtoo ah Ismaaciil Buubaa waa oday,waana xubin WADDANI kamid ah, manaynaan maqal isagoo yidhi Xisbigii WADDANI waan ka baxay,marba haddii uu haddalkii uu yeeshay wejiyaddaa kale jaadka ah ee dadku u arkayaan,loona aanaynayo in arrinta tan WADDANI ku lug leeyahay oo dadka qaar ay ku eedaynayaa WADDANI siyaasaddaha uu waddo inuu kamid yahay waajib ayuu ku yahay labadooda WADDANI-na waajib ayuu ku yahay inay wax ka yidhaah-daan haddalka oo halka ay ka taagan yihiin ka celiyaan. Sidaa anaba aanu uga celinay, Ismaaciil-na waajib ayuu ku yahay inuu haddalkiisa ka celiyo haddalkan kasoo noqday sida ay tahay hadduu uga celinayo qof ahaan iyo haduu uga celinayo isagoo xubin WADDANI kamid ah .”ayuu sheegay