Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo Gaashaanka ku dhuftay Gudida wadahadalada ee uu Farmaajo Magacaabay
Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo horay u soo noqday Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya haddana ka mid ah Golaha shacabka ee Dawladda Federaalka ah ee Somalia ayaa sheegay in Xildhibaannadooda aan lagala tashan Guddiga uu magacaabay Madaxweynaha Somaaliya.
Waxaa uu sheegay in magacaabista Guddigaas aan lagala tashan iyaguna aysan aqbali doonin sida uu hadalka uu u dhigay,waxaana uu ku tilmaamay in tallaabadaasi tahay wax laga xumaado.
Dhinaca kalena Xildhibaannada ayaa waxaa ay ka hadleen Markab Xoolo waday oo dhawaan Dowladda Sucuudiga ku xayirtay Magaalada Jiddah.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Markabkaas lagu siidaayay codsi rasmi ah oo ay u qortay Dowladda Sucuudiga.
Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in Markabkaas aan lagu siidaayin amar ka soo baxay dowladda Federaalka ah, waxaa kale oo uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay cunaqabateyn saartay Somalilan