Gobolka Saaxil Degmadiisa Berbersa ma ah in Taariikdeeda soo jireenka isku dayaan inay baa,biiyaan Dad shalay soo galay waa nasiib-darro weyn ?

Gobolka Saaxil Degmadiisa Berbersa ma ah  in Taariikdeeda  soo jireenka  isku dayaan inay baa,biiyaan Dad shalay soo galay  waa nasiib-darro weyn ?

Arinka Ka dhacay Gobolka Saaxil gaar ahaan Degmadiisa Bebera Saaka  ee lagu waxyeeleyey Shaqalaha Ajaha-nebiga  waa  fool-xumo weyn iyo daaqud-nimo tii ugu xumayd.

Waa in Madax iyo waxgaradka Aqoon-yahanku iyo Hal-doorkuba  Gobolka saaxil wax  ka qabsheed isu istaagan.

Aad iyo aad ayey ii damaqday arinkaasi,  iyo ficiladda la mid ah  ee lagula kaco Dadka inooga yimaada Wadamada kale Dalkeena jooga.

Jamhuuriyada Somaliland waa u bahan tahay bulshooyin farra badan Aqoon, xirfado, iyo il-baxnimo Xadaradeed leh inay inoo yimaadan  inala noolaada.  Dadka arinka aan wanaagsan ibnu-aadanimada iyo sharfteeda my kacay waa kuwo aan Aqoon iyo waayo-aragnimo ,maskax  fikar baxsan leh aan lahayn

Inay laayaan ma aheyn inay wax ka bartaan! ayey aheyd  soona dhaweeyaan si walal-tinimo iyo Dad-nimo ku jirto.

Waa fal  Qaranka ahaan   ceeb iyo fool-xumo weyn  inoo soo jiidaya sidda marka ay tahay waa masuuliayad  guud o Dawalad amma Xukumada saaran qof kast oo Muwaadin ah iyo mid kale oo u soo haajirayba in Aamaankiisa la sugo lanna ilaaliyo

 

Waxa aan filaya inay yihiin kuwo soo galay  dhawaan oo aan Aqoon  durugsan ka ogeyn   taariilhda Gobolka Saaxil  leeyahay  ee soo jireenka ah  waxa ka ogeyn  amma aan garaneyn . Taas ayaa sabab u ah dhacdan ugubka ah ee ku dhaqaaqideed aad u xun yahya ,waayo haddii ay yihiin dad Gobolka Saaxil ku soo ,koray kunna barbary waxay wax ka ogaan lahayeen taariikda dahabiga ah ee Beberi leedahay ee ah inay Hooy Wanaagsan  oo cid kast oo timaada  qayba kasta degaansho  Nololeed ah ay uga heli jirtay  isla markaan  iyaggu noqon lahayeen kuwo ilaaliya  ixtraam xidhiidhka soo jireenka ah iyo qotodda dheer ee Gobolka,  Degmadiisa Berbera  ,leedahay Adduun-weynaha kale   halkaan ka sii wadaan cid kast iyo qof kasto yimaadan  helo magan-gelyadii  dhameyska tireyd ee uu Berbera ka heli jireen ummadiihi hore u soo haajiri jiray.

 

 Waxa taariikda and u fac-weyn marka Berbera lagga adlaayo xidhiidho xidadiisu Filsan yahay ee Aduunka la leedahay  dhinac kast oo ay noqoto marka ma qabto in far qof oo  durufaha Addunyadu keenen oo shaqaysanaaya  isla markaan ka soo baxaya  Shaqadooda sidii lagga rabay  in lagu dhex dilo  oo kuwo aan shaqo gudaneyn ku mar mardiyoodaan Shaqadii ayey Naga qaadeen markii ay gudan kari-waayeen  uguna soo bixi waayeen sidii ay aheyd.

 

Waxa la gudboon Maamulka Gobolka Saaxil inay sida ugu wanaagsan ugunna haboon wax uga qabtaan arintaan, Dadka dalalka kale inooga yimi  ay ku  sugaan amnigooda  Dadka laftooda ay bixiyaan waxii ku waajibay ee Xaquuq ah ee Degmada Berbera  degaanshaheeda iyo ka qashaynteedu ku waajibisay.

 

 

 

 

Kuwa dhibaatooyinka dhaawac leh geystaan waa mid Maasuuliyada maamuka ah qayb kasto ay yihiin isla markaan  u soo qab-qaban lahayeen unna  hor-geeyaan Ha,yadaha Garsoorka ee Gobolka sida dhakhsaha badan  si looga  abaal-mariyo dhibaada Xanuunka iyo foolxumada ah ay u  geystaan Dad aan waxa dhibaato ah u geysan iyagga balse gar-darro  iyo Aqoon darro   hayda awgeed arinka you kaceen.

Fikrad xorta ah ee Muwaadinka.

Abokor I Maxamoud.

abokorm@hotmail.co.uk.

Alle xaqqa ha inagu hanuuniyo Xaqdaradna  ha ina garansiiyo inaynu ka joogsano. 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker