Wasiirka Arrimaha Guduhu wuxuu u qalmaa wasaaradda Madaxtooyadda oo la dhiso.

Wasaaradda Madaxtooyadda oo ahayd Wasaarad awood iyo dhaqaaleba leh, marka si kale loo eegana ahayd wasaaraddii Madexweynaha ayaa xukuumaddan Haatan jirta ee Uu Madexweyne Muuse Biixi Cabdi Daaqada ka saaray, iyadoo Maanta la arkayo in baahi loo qabo maadaama Madexweyne Muuse Biixi iyo Mujaahid Maxamed Kaahin aannay kala maarmeyn in badanna ay Halgan iyo doorashaba soo wadda galleen.
Tan iyo intii la magaabay Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliland waxa bulshaddu aad u faalleynsay Shaqada wasaaradda iyo in aannay gaadhin halkii loo baahnaa, cabasho badan ayaa isa soo taraysa taas oo ka immanaysay Colaadda Ceel af weyn,   iyo Dagaaladda cusub ee ka socda, Mujaahid Maxamed Kaahin waa nin masuulla oo waddankan xaq badan ku leh, waanna masuulka u qalma jagada Guddoomiye xisbiga Kulmiye ee shanta sanno ee soo socda, Waa sunne isku beddelka wasiiraddu in midkastaaba halka uu awood u leeyahay la geeyo ama halka uu fahmayo ee uu aqoonteeda haysto.  Muhiima maaha in  aad hal wasaarad ku dhammaysto xilkaaga,  iyadoo la ogyahay in haddii wasaarad kale lagu geeyo aad horumar badan gaadhsiin kartid.
Haddii waxqabadkii iyo shaqaddii Wasaaradda Arrimaha Gudaha farta lagu goday waxaan shaqsi ahaan ku tallin lahaa in la sammeeyo wasiir madaxtooyo ka dibka  Wasiirka Madaxtooyadda loo magacaabo Maxamed Kaahin Maadaama aynu ognahay in Mujaajidiinta Dalka Haystaa isfahan wanaagsani ka dhexeeyo oo aannay kala maarmayn,   sidoo kalena Wasiirka  Arrimaha Gudahana ha loo magaabo  Cid aan labada dhinac ee Ceel-Afweyn u aabbo yeellayn oo kii Dambi qaranka ka galla cagta marinaya si labadda dhinacba u calool samaadaan.
Haddii Baryo nabadu gasho waxba ma hagaagayaan. Ciddii abni daro sammaysa Xaqeeda ha la siiyo oo Sharciga si deg-dega ha loo mariyo.
Labada dhinac ee Colaadu u dhaxayso waxaan ugu baaqayaa Nabad waarta iyo walaalnimo aannay cidina iska xigin.
#Nabadda u taagnaw

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker