Hogaamintii Madaxwayne Siilaanyo & Madaxwayne Muuse Biixi Mid aan la mahadin

 

Qalinkii Suxufi Sinyoore

 

 

Hargeysa(OWN) – Jamhuuriyadda Somaliland oo hadda sideed iyo labaatan Sannadood jirtay, waxaa Xukunka si nabadgalyo  ah  iskaga dambeeyay Shan madaxweyne kuwaasi mid waliba waayaheeda iyo wakhtigeeda iyo waayaheeda Lahayd.

 

 

Waxa ay shacabka Reer Somaliland farta afka ku hayeen oo walaacii ugu cuslaa soo waajahay, Hogaaminta labadii Madaxweyne ee u dambeeyay Siilaanyo Iyo Muuse Biixi oo hadda xukunka haya.

 

Hadaba Qaybo badan oo ka mida dadka Odorasa Siyaasada Maxliga ah ee Somaliland ayaa Qaba Fakar odhanaya 7-dii Sanadood ee uu Dalka Soo Maamulayay Madaxwayne Siilaanyo waa Todoba sano oo aan La Mahadin.

 

iyadoo bulshada laga dhaadhiciyay inuu tamar gabay islamarkaana hogaamintii dalku gacanta U gashay Shaqsiyaad aanay Dadka Reer Somaliland Dooran  ,

ayaa Hadana waxa wakhtigaasi uu Siilaanyo dalka Xukumayay dhaawacyo kala duwani soo gaadheen guud ahaan Sumcadii Somaliland iyadoo wakhtigaasi la sheego in hantidii ugu badnayd ee maguurtada ahayd iyo lacagtii ugu badnayd dalka laga dhacay,

 

waxayaabaha ugu culus ee illaa hadda xal loo laayahay waxa ka mid ah “Hawadii Somaliland” oo ay lacag ku badesheen islamarkaana Dawladda Soomaaliya u saxeexeen inay la wareegto iyo arimo badan oo kale oo lafjab ah. Waxa sidoo kale dalka ka dhacay dagaalo beeleedyo illaa maanta dalka kasii soconaya kuwaasi hab siyaasadaysan u socday islamarkaana dhiig badani ku daatay.

 

MADAXWAYNE BIIXI .

 

Sidoo kale, 2-sanadood oo Madaxweyne Biixi dalkan hadda maamulayay, waxa uu gud madaw ku riday guud ahaan sumcaddii iyo hanaankii hogaamineed ee Dalkan,

 

waxaanu dalkii iyo dadki ka dhigay goob murugo iyo wal wal hadheeyay. Madaxweyne Biixi oo lagu xanto inaanu qorshe siyaasadeed oo uu udejisnaa aanu jirin markii uu dalka la wareegay, ayaa waxa uu haatan dalkii ka laad laadaa haadaan,

taasi oo keentay in xitaa Mucaaridkii iyo siyaasiyiintii kasoo  horjeeday ay aamus doorbidaan, si ay ugu tudhaan dalka oo aanu u burburin…

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker