Wararkii Macdanta Waraysiga Marwo Edna ….. …… See Arrin Yahay ?!
Waxaanu aragnay maanta warbixin Marwo Edna Aden la yidhi waxay siisay warbaahinta caalamka aad bay fiican tahay ogow Muwadin anaga Dr. Edna Aden Ismail ama Lady Edna waxay nooga dhigan tahay Mother Theresa aynu nidhahno Mother Theresa of Somaliland ta labaad waanu ognahay safarada noocan ah inay kasoo faa’ideyso sponsorship iyo donations adigu marka la soo gaabiyo waa caawimo iyo sadaqad kasoo qaad iminka waxa la soo arkay shirkada Rio Tinto waa company macadanta Baadha oo aad u wayn waad wada garaneysaan oo boqlaal shirkadood oo macdanta ihi Hooyo iyo Aabe ay yidhaahdaan adigu Holdings . Lady Edna waxay ka faa’idaysaa inay sponsorship iyo taakulayn waydiisato si hawlaha ay DANYARTA u hayso cisbitaalo , Jaamacado , quudin iyo wixii la mid ihi ugu fududaan lahayeen waxaanu weliba ku boorineynaa Lady Edna inayna diyaarada Jaalle Muse Pilot ka degin marka dambe na u raacdo Imaraadka waayo waa qof la hubo inay waxay soo hesho DANYARTU leedahay si dadban iyo si toos ahba …
Waryakagu wuxuu yahay inay Lady Edna ay iska ilaaliso inay wajigeeda lagu maxlalo booli qarantan ay Heego gacanta kula jirto waayo anaku riwaayad kasta oo fakenews ah ooy Heego soo macmasho oo la doonayo dadka Hargeysa Kontaynerka ku jira in lagu majaro habaabiyo farta ayaanu ku fiiqaynaa warbixintii maanta ee Marwo Edna Aden way dhaantay tii Jaalle Cabdisalaan Gentleman la shir yimi dhawr cisho ka hor lakiin video-ga cusub waxa la leeyahay Marwo Edna Aden saxaafaday la hadashay Muwaadin ogow Kamerada wax lagu duubayaa waa fixed way taagan tahay hadlaka ay sheegeyso Marwadu iyo ciday la hadlayso in la arko waa isku ahmiyad , warkan xagee lagu duubay my guess is as good as yours kaama male fiicni lakiin warkan waxaa loogu talo galay dadkaa kontaynarka ku jira Hargeysa waa sheekadii rumi cas buu ku dul socday Jaalle Muse Pilot wa nayla ictiraafay…………..
Jaalle Libaan Samotalis Radio Alcadaala Arriinkan ka hadli maayo markaa anakaa yara qadaa dhignay waayo Xaajiya Shukri waa habaryartii oo Lady Edna Aabeheed wuxuu u ugu yeedhi jiray Shukri xajkiina waa kuwii tagay iyada iyo Dumaashigeed Abwaan sare Dacar waar maxay usii kaxayn wayeen Nuseyriga yar Jaalle Muse Pilot hasoo taxliil qaboobe ee , Yeelkeede . Jaalle Samataliska Arabkaa dhalay oo reer abtigiina waa jeclyahay wiilku diintana wuu ku fiican oo wuu ogyahay :
للخالة منزلة كريمة في الإسلام ، وهي بمنزلة الأم ، كما روى أبو داود (2278) عَنْ عَلِيٍّ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ عن رَسُولِ اللَّهِ صَلَّىاللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ أنّه قَالَ : ( الْخَالَةُ بِمَنْزِلَةِ الْأُمِّ ) وصححه الألباني في “صحيح
أبي داود”
Xadiiskaa sheegaya in habaryartu hooyo darjadeeda taagan tahay Muwaadin haday habaryartaa dalkii joogto wax u baahan tahay qurbaha aad joogto wax tari kartid wax u dir barakada xajka eedana ku dar khayr bay noqon ee .
Maanta waxa hadlay iyaguna ururada oohinta iyo mushxarada ee Jaalle Muse Pilot ee NAW iyo NAGAAD Damn it kuwaa inay ka ag hadasho maaha Lady Edna …..
Waar aynu macdanta usoo noqono beryahan waxa u socday Somaliland iyo Somaliya wada hadlo qarsoodi ah la shiro sacaadaha dambe ee habeenkii telka iyo video conferences ba warka marka lasoo koobo laba mashruuc ayaa ugu waynaa lacagtii hawda Somaliyeed ooy Somaliland ku jirto iyo Macdanta Somaliya oo Somaliland ku jirto.
Lacagta Hawada Somaliya waxay ku biirtay Nairobi Kenya ooy United Nations masuul ka ahayd markii ugu dambeysay labaa sanoo ka hor lacagta waxa lagu qiyaasay in ka badan $ 500.000.000 muraayado uma baahnid waa shan boqol oo Malyuun oo Dollar ama nus Billion 28 sano biireysay ..
DANYARTA si loo marin habaabiyo shirka Nairobi Kenya waxa lagu sheegay inuu yahay wada hadal iyo Ictiraaf runtuna waxay ahyad maca NGO ooyada riwaayad baa loo dhigayey lacagta waxayaggii na siiya …… Somaliland wax loo sheegay saxeexa hawada Somaliya inuu ka dhacayo Nairobi Kenya isagoo saxeexu ka dhacayey Addis Ababa Ethiopia Goysmadii halkaa ka dhacday television- da caalamka ayeydun ka daawateen …
Ta macdanta aynu hore u galo shirkado macdaneed baa Xamar kusoo qulqulayey in dhawayto Somaliland Wada hadalada qayb bay ka ahayd sida kor ku xusan xaga batroolka layskuma fahmin lakiin xaga macdanta lama kala fogeyn.
Jariidada caalamiga ah ee faraha dhudhuban looga qateena ah ee “African mining intelligence “waxay qorta maqaal uu cinwaankiisu yahay “After airports, Mike Douglas touches down in mining “ cinwaanku saad aragtaan waa Jaalle Mike Douglas Maamulkii madaarada ka dib wuxuu soo cago dhigtay badhista macadanta
Maqaalku wuxuu odhanayaa :
“ After making waves in Somalia’s business circles when he became operator of the Mogadishu airport via his Dubai-based group SKA International Group in 2010 ( ION 1359), British entrepreneur Mike Douglas is now one of the first explorer’s of the country’s mining potential. “
Cidaan aqoon Jaalle Mike Douglas wuxuu wataa raga ciidamada Komandooska Ingriiska iyo Marykanka ahaan jiray oo bir finiin ka hadhay ah adigu waa rag ay Heego is tidhi Dabah way ka qaadi karaan Garxajis weyne iyo Habar xabuusho waaryaa nimanka u sheega waar birtaanu calashanaa oo birtaa finiinka ka hadhay baanu calashanaa hasoo lug go’ina waar kasoco intaasi waa hadal tiro ee ……. Qoladan beri dhexdaas ah waxa Berbera keenay oo Dubai kasoo kaxeeyey oo is yidhi Dilaal Dilaalka gaamuray Gudoomiye Faysal Cali Waraabe waynakii ku qaylinay ee nidhi shaqo Somalilander qaban karo ayey boobayaan nimankaa SKA International Group. Maqaalku wuxuu ku daray :
“Douglas, who is active in logistics, aviation, hydrocarbons and security ( IOL 800), has created SOM Minerals and Mining Group, aimed at picking up exploration permits throughout Somalia, Somaliland and Puntland. SOM is already in talks with companies in Puntland and with the Mogadishu government. The new firm has marked several sites of interest and drawn up a research programme for the coming months based on data collected by the British Geological Survey in Somalia.”
Wada hadaladan kor baynu ku xusnay wuxuu na leeyahay ruqsad macadan baadhis ayaa loo siiyey Somaliland. SOM Minerals and Mining Group oo isla SKA International Group hoos timada dhawr meelood ayey calaamadsatay riwaayadu waxay noqoneysaa markay Dahabka Sanaag Puntland na sheegato
SKA group arrinka magaceed SOM bay kusoo gaabisay ama Somaliya u qaaado ama Somaliland . Maqaalkii wuxuu yidhi hadana :
“British geologist Simon O’Toole is in charge of operations at SOM. O’Toole knows Somalia like the back of his hand. He previously advised the ministry of petroleum and mines on behalf of the World Bank after being posted to the country by the Dubai-based CTG, a company specialised in recruiting humanitarian personnel. He also handled research in Somaliland for UAE firm RAK Gas.”
Halka Somaliland losoo maray waxa weeye Mr. Simon O’Toole oo iminka qoladan ka tirsan Somaliland aqoon xad dhaafa u leh dawlada Imaraadka na aad ugu xidhan iminka halka Somaliland looso maraa waa Imaraatka carabta waxay Imaraatka carabtu ku tidhaah Somaliland “ISHI “ bay odhanayaan sidii Tigraaygii wagii Ethiopia Xukumi jiray .
Muwaadin ogow Dawladuhu markay qaabilayaan Jaalle Muse Pilot xataa dawlada Jabuuti iyo Ethiopia ilaa Imaaratka Allah ha ka dhigo waxa ay wargaliyaan Somaliya ama Jaalle Muse Pilot laftirkiisa ayaa wargeliya Somaliya, iyakoo Somaliland ka xaanqsan goysmadii Nairobi Kenya iyo lacagtii Hawda ayey go’aansatay inay waxba Xamar wargelin Guinea Conakry iyaduna waxba Xamar may war gelin iyadu mawduuca siduu u socdo ma fahansana …..Xamar na waxay ka xaanaqday maxaad shirkadaha kale ka doontay sawnakii shirkadaha wadanay …………….. Waxaanu isna ka hadli lahayn ruumigii casaa ee Dubai iyo markuu macaali wasiir Faratoon ka hadlayey Argagixisada iyo waxaan loo joogin markay soo noqdeen lakiin waxaanu u tudhaynaa Sheekh Kaariye iyo inay Saxafiyiintii sida Zoë Carpenter iyo saxafiyad kaloo gabadh ah oo joogta Portland oo xataa diiday magaceeda in la sheego dhamantood way diideen in cid aan la wadaagno waxay noo shegeen , Subxaan !