Madaxweyne Farmaajo oo shacabka u diray hambalyo ku aaddan munaasabadda Ciidda Carafo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxaa.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay mudnaanta gaarka ah ay leeyihiin maalmahan barakeysan ee bisha Carafa oo astaan u ah isu-naxariisashada, ilaalinta dadnta guud iyo midnimada dadka muslimiinta.

“Maalmahan barakaysan ee bisha Carafo waa maalmo ku weyn diinteenna iyo dhaqankeenna, waa maalmo ay kumannaan muwaadiniinteenna ah u jiheystaan sanad kasta, gudashada waajibaadka Xajka iyagoo naftooda, dadkooda iyo dalkoodaba Alle uga barya naxariis, barwaaqo iyo wanaag oo idil”.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu ugu hambalyeeyay geesiyaasheenna Ciidammada Qalabka Sida ee ku sugan furimaha dagaalka, guulaha isdaba joogga ah ee ay kasoo hooyeen hawlgaallada ay dalka kaga xoreynayaan argagixisada Alshabaab.

“Waxaan u dabbaal degaynaa Ciiddan iyadoo geesiyaasheenna Ciidamada Qalabka Sida ay ka xoreeynayaan milayshiyaadka argagixisada ah deegaanno hor leh oo cadowgaasi ay ku dhibaateynayeen dadkeenna, kana soo maleegayeen dhagarta iyo gumaadka ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed”.

Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay dhammaan dadkeenna Soomaaliyeed in ay istaakuleeyaan oo garab istaagaan dadkeenna danyarta ah, si aynu wadajir ugu qeybsanno farxadda ciidda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker