Maydka Maxamed Bin Suldaan oo Uu dhalay Mid ka mida Amiirada Xukumada  ee Dalka Imaaraatka Carabta Midoobay ayaa Laga Helay suuli ku yaalla London ee Carriga Ingiriiska 

Maydka Maxamed Bin Suldaan oo Uu dhalay Amiirka Xukumada  Magaalada Shaariqa ee Dalka Imaaraatka Carabta ee Midoobay ayaa Laga Helay suuli ku yaalla Magaalada London ee Carriga Ingiriiska

.
Ninkan oo 39-jir ahaa waxaa dhalay amiirka
Imaarada Shariqa ee dalka isu-taga
imaaraadka carabta isagoo ahaa milkiilaha
Rugta Naqshadeynta labiska ee (Kasimi
Fashion).

Maydkiisa ayaa waxaa shalay laga dhex helay
Suuliga Qubeyska ee Dhismihii uu degganaa,
iyadoo ay hareerahiisa daadsanaayeen
Irbadaha la isku duro  Ama laysku mudo iyo Tay ama si xoogan
ugu xidhnaa gacantiisa,

waxayna boolisku
sheegeen in jirkiisa laga helay daroogo xad
dhaaf ah oo sida loo badinayo sababtay inuu
geeriyooday.

 

Wargeyska The Sun ee ka soo baxa London
ayaa qoray in Wiilkan uu habeenkaas ka yimid
baar lagu tunto oo ku yaalla magaalada
London,

uuna halkaas ku gaadhay xili dambe,
isagoo isticmaalay khamri fara badan iyo
daroogo .

Dowlada Imaaraadka carabta ayaa hoos u
dhigtay calanka dalkaas, iyadoo lagu
dhawaaqay baroordiiq saddex cisho ah,

waxaana la xaqiijiyey in wiilka hadda
geeriyooday walaalkii ka yaraa uu 10 sano ka
hor u geeriyooday arrimo la Xidhiidha daroogada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker