Heshiis Muhiima oo Dhexmaray Ha,adda QM U qaabilsan Hawada ee ICAO iyo Dawladda Somalia

Muqdisho (OWN) –Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Hay’adda ICAO, ayaa  kala saxiixday heshiiskii ugu dambeeyay ee ay Soomaaliya kula wareegeyso maamulka Hawada Soomaaliya.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar ayaa dowlada Federaalka ah u saxiixay Heshiiskan oo guud ahaan maamulka Hawada Soomaaliya ay la wareegeyso Dowladda Soomaaliya.

Dhinaca Hay’adda ICAO waxaa heshiiskan u saxiixay Agaasimaha Hay’addaas Jorge Vargas, iyo agaasime goboleedka Hawada ee Hay’adda Kashambo, waxaa uu heshiiskaas ka dhacay Magaalada Adis ababa kaddib shir ka socday afar cisho.

Shaqaalaha Hay’adda ICAO ayaa si rasmi ah ugu wareegi doona Dowladda Soomaaliya 31ka July 2019,waxaana hoos u dhacayay shaqaalaha Ajannabiga ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa fasaxday shaqaalaha Ajannabiga ah ee ICAO wixii ka dambeeya 31ka July 2019,waxaana shaqadaas buuxin doono Khubarro Soomaali ah iyada oo Maamulka Hawada Soomaaliya ay dhamaantiis la wareegeyso dowladda Soomaaliya.

Dhanka IATA Waxaa uga qeyb galay shirka, Luis Arce, oo ah madaxa uruurinta dakhliga Diyaardaha laga qaado, Magdy Reda , Madaxa kharashyada Diyaaradaha laga qaado iyo ,Sidy Gueye, oo ah xiriiriyaha Bariga Africa.

Waxay IATA cusboonaysiisay heshiiskii ay la gashay Dowladdii Kacaanka 1989-kii, oo ahaa in ay Soomaaliya u uruuriso Lacagaha laga qaado Diyaaradaha mara Hawada Soomaaliya.

Heshiiskani wuxuu meesha ka saaray hay’adda ICAO oo IATA u shubi jirtay Lacagaha laga qaado Diyaaradaha mara Hawada Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker