Mawduuca Muranka Badan Dhaliyey; Raggu Caado Ma Heli Karaan Sida Dumarka, Diiniyan Iyo Baayooloji ahaan ba?

Marar badan waxaa dhacda in dheecaanada ninka ee jidhkiisu kale bataan, taasina ay keento xanuun la soo dersa, ama isu beddesho xanuun. Tusaale, xanuunka looyaqaano parkinson’s disease; waa xanuun gariira oo qofka la soo dersa marka ay dhintaan qayb kamid ah unugyada maskaxdiisu. Dheecaanka looyaqaano Dopamine waxa uu yaraadaa marka unugyada maskaxda qaar dhintaan. Waana sababta dheellitiran la’aanta dheecaanada jidhku inta badan u keenaan xanuun laga bogsan karo ama mid daawo la’aana.
Haddaba xanuunka looyaqaano “Irritable Male Syndrome”, waa xanuun la soo dersa da’aada u dhaxaysa 40 jir ilaa 60 jirka, labka loo yaqaano Cisgender; waa qofka ku dhasha labnimada ama isagoo leh xubnaha taranka ee labka sidaasna ku qaangaadha. Jirradani waxay labka u keentaa dheellitiran la’aanta dheecaanka “Cortisol” iyo dheecaanka “Testosterone”. Oo macnaheedu yahay waxaa bata xaddiga dheecaanka Cortisol waxaana yaraada xaddiga dheecaanka Testosterone ee jidhka labka. Xaaladaasna waxaa ka dhasha astaamahan; Cadho badan, kacsanaan joogto ah, maaxdumid, cadaawad arxan darro ah, muran xad dhaafa, cabsi, cabasho badan, murugo dheeriya iyo isku qanacsanaan la’aan oo idil ahaantood la soo dersa labka. Ku darsoo labkan aan soo sheegay waa labka jidhkiisa aan lagu samayn wax ka beddelis ama aan gadaal iska beddelin sidii uu ku dhashay.
Haddaba, saynisyahanada casriga ah, gaar ahaan, khubarada Baayoolajigu waxay aaminsanyihiin in xanuunkani si uun ugu eegyahay Meertada caadiga ah ee dheddigu maraan bishii hal mar. Marka loo eego is-beddelka nafsiyadeed. Dheddigu waxay maraan xilliga “Caadada” xaalad noloshooda ka mid ah oo looyaqaano “Premenstrual syndrome (PMS)” oo ah xaalad saamaysa dareenka dheddiga, caafimaadkooda jidheed iyo habkooda dhaqan maalmaha ay ku jiraan caadada.
Ugu danabayn, khubarada baayoolojigu waxay isla qirsanyihiin in astaamaha lagu garto xilliga ay dumarku ku jiraan “todobaadka Caadada” iyo marka labka ay la soo deristo dheellitiran la’aan ku yimaada dheecaanka Cortisol iyo Testosterone ay is shabbahaan. Daliilka ugu fiican ee saynisyahanadu labadan xaaladood ku kale farqinayaana waa in dheddigu leeyahay makaan, xuub ku dahaadhan, dhuun dheer oo ugxan-sidayaala, kiishka ugxan sidayaasha. Taas liddigeedana aanay labku lahayn.
Sadam Osman Kaabash
Biomedical Scientist.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker