Itoobiya Oo Diyaarisay Ciidamo Difaaca Biyo Xidheenkeeda La isku Heysto

Ciidamada Itoobiya, ayaa sheegay iney heegan buuxa uggu jiraan sidii ay ku difaaci lahaayeen wajiga labaad ee buuxinta biyo xidheenka aadka u weyn, ee wabiga nile-ka, sidaasi waxaa qorteywarbaahin taageerta dowladda.

Gen Asrat Denero, oo ah madaxa qeybta Metekel ee gobolka Beninshangul Gumuz, halkaasoo uu ku yaallo biyo xireenka, ayaa sheegay in ciidanka Itoobiya ay ku dadaalayaan sidii ay u ilaalin lahaayeen saacad waliba buux samidda biyo xidheenka.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa kala soo baxey ciidamada gobolka Tigray toddobaadkii hore, si uu waqti uggu helo sida uu sheegay arrimaha kale ee dowladdiisa mudnaanta u leh.

Itoobiya ayaa sheegtay iney qorsheyneyso iney buuxiso biyo xidheenka, inkastoo ay taasi cabasho ka muujiyeen dalalka Sudan iyo Masar, iyagoo ka cabsi ka qaba in talaabadani ay hoos u dhigto qeybta ay ka helaan qulqulka biyaha wabiga Nile-ka.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker