Dagaalkii ka Socday Gobolka Hiiraan oo sababay Inay ku Naf waayaan Dad Gaadhaya 6 Qof

Beledweyne (OWN) โ€“ Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalkii Saacadihii aynu sooย  Dhaafnay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ee badhtamaha Soomaaliya.

Dagaalka oo ahaa mid Xoogan ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Warardheer oo dhinaca koonfur 60 KM ka xiga degmada Matabaan ee gobolkaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dagaalka uu u dhexeeyay labo beeleed oo wada daga halkaasi.

Inta la Xaqiijiyay waxaa dagaalkan ku dhintay illaa lix Qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Dadka waxyeelada ugu badan ka soo gaadhay dagaalkan ayaa lagu soo warramayaa in ay u badan yihiin kuwa rayid ah, kuwaas oo la socday Gaadhiย  rakaab ah oo dhinac ka mid ah Maleeshiyaadkaasi la sheegay in ay ku fureen rasaas xoogan.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada iyo kan gobolka oo ku aadan dagaalkaasi.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana weli is horfadhiya dhinacyadii ku dagaalamay halkaasi.

Xiisada u dhexeysa labadan Maleeshiyo Beeleed ayaa in muddo ah ka taagneyd nawaaxiga degmada Matabaan, waxaana ay iska dileen inta ay dagaalamayeen tiro aad u badan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker