Daawo: Dagaal Culus oo ka bilaabmay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug

 

 

Gaalkacyo (OWN) – Warar aan hadda helnay ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu ka qaraxay gudaha magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.    Dagaalkan ayaa lagu soo warramayaa inuu u dhexeeyo Ciidamada daraawiishta dowlad goboleedka Galmudug iyo kuwa nabad sugida dowladda Soomaaliya.

 

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay iska hor imaadka oo muddo dhowr daqiiqado ah ka socday halkaasi. Illaa saddex Askari oo labo ka mid ah ay ahayeen ciidamada nabad Sugida Soomaaliya iyo hal askari oo ka mid ahaa daraawiishta Galmudug ayaa ku dhintay dagaalka, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen goobjoogayaal.

 

 

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka uu Bilaabmay , kadib markii ay isku dhaceen sarkaal ka tirsan Ciidamada Galmudug iyo kuwa nabad sugida dowladda.

Saraakiil Ka Tirsan Nabad Sugidda Somalia ayaa isku dayay  in ay Xoog ku Maraan  waddo u xidhneyd  kadibna waxaa halkaasi ka dhacay dagaal toos ah.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana weli dhaq dhaqaaqyo xoogan laga dareemayaa dhinaca koonfurta magaalada Gaalkacyo oo ay ka arrimiso Galmudug.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka magaalada, kuna aadan shaqaaqadaasi.

Ammaanka magaalada kala qeybsan ee Gaalkacyo ayaa muddooyinkii dambe faraha ka sii baxayay, iyadoona ay ka dhacayeen falal liddi ku ah nabad galyada.

Dhacdadii ugu dambeysay ayaa lagu dilay illaa 13 Qof oo rayid ahaa, kuwaas oo toogasho lagu dilay.

Halkan Hoose ka daawo Warkaas oo Faah faahsan

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker