Hal Qof oo Ku Dhintay Shil Baabuur Ka Dhacay Xaafada Axmed Gurey Ee Magaalada Hargeysa

Alle Haw Naxariistee waxaa Abaaro 1:46 PM duhurnimo ee Maanta Xaafada Axmed Gurey ee Magaalada Hargeysa ka dhacay Shil Baabuur oo sababay dhimashada hal qof oo Dumara.

Baabuurka shilkan sababay ayaa ahaa Booyad, waxaana iyada oo xawli u socota ay gashay guri ka mida guryaha xaafadaas, iyadoo halkaasina ay ku geeriyootay hooyo degenayd Guriga.

Gaadiidka Ambulance ka Ciidanka Dab-demiska Qaranka Somaliland ayaa markii lagu soo wargeliyay shilkaas ka hawlaglay una fidiyay gurmad iyadoo ciidanka dab-demisku maydkii gaadhsiiyay cisbitaalka weyn ee Magaalada Hargeysa.

Muddoyinkan u dambeeyay waxaa magaalada Hargeysa ku soo badanayay shilalka ay sababaan gaadiidku, iyadoo badanaa shil kasta oo khasaare keena ciidanka dab-demisku ka hawlgalo.

 

 

https://www.youtube.com/watch?v=tIk9-rDWPsc

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker