Dalka Canada Oo Loogu Baaqay In Ay Qaabisho Qaxoontiga Soomaalida Ee ku Nool Bariga Afrika.

Golaha amniga ee qaramada midoobay ayaa ka codsaday dalka Canada in uu dib u dajin u sameeyo qaxootiga soomaalida ah ee ku nool dalal ku yaal bariga Afrika.

Maxamed cabdi afey,oo ah ergayga gaarka ah ee qaramada midoobay u xil saaran qaxootiga soomliyeed ayaa la filayaa in todobaadka soo socda uu kulamo arintaan ku aadan uu kala qaato barlamaanka iyo madax dalka Canada.

Kulankaan ayaa ka dhacaya magaalada Ottowa ayaa mr afey waxaa uu ku sharixi doonaa xaalada dhabta ah oo ay ku nool yihiin qaxootiga soomaalida ah ee ku nool bariga Afrika.

Wareysi uu mas’uulka siiyay warbaahinta The Globe and Mail ayaa waxaa uu ku sheegay in qaxootiga soomaaliyeed ay halis ugu Jiraan in la hilmaamo,maadama caalamka uu mashquulsan yahay dhibaatada ka jirta yemen suuriya iyo suudanta koonfureed.

UNHCR ayaa sheegtay in ay raadineyso in wax laga qabto dhibaatada heysata qaxootiga soomaalida ah gaar ahaan kuwooda ugu nugul,waxaana Canada loogu baaqay in ay aqbasho qaxooti soomaaliyeed oo siyaado ah.

Arintaan ayaa waxay imaaneysaa iyadoo sanadihii la soo dhaafay,ay hey,adaha gargaarka ay dhimeen dhaqaalihii ay siin jireen qaxootiga soomaaliyeed ee ku nool xeryaha Dadab.

Wararka Iyo Warbixinada Soomaalida Iyo Caalamkaba Ka Daalaco Oodwayne/News.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker