Madaxweynihii hore Ee Sudan Oo Lagu Soo Oogay Musuqmaasuq
Madaxweynihii hore ee dalka Sudan Omar al-Bashir ayaa markii ugu horreysay shaashadaha ka soo muuqday tan iyo intii xilka laga tuuray bishii April.
Mr Bashir ayaa laga soo saaray xabsi ku yaalla magaala madaxda dalkaasi ee Khartoum ka hor inta aan la geyn xafiiska dacwad oogaha, halkaas oo lagu akhriyay dambiyada isaga ka dhanka ahaa.
75 jirkan oo ay ku hareeraysnaayeen ciidamada aminga ayaa waxaa uu ku labisnaa dharka dhaqanka ee dalkaasi.
Mr Bashir ayaa xilka iska casilay kadib markii Sudan ay hareeyeen dibadbaxyo bilooyin socday.
Dacwad oogeyaasha ayaa sheegay in lacago qalaad oo aad u badan gurigiisa laga helay, kadib markii uu talada dalkaasi iska casilay taas oo soo afjartay ku dhawaad 30-kii sano ee uu Sudan xukumayay.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheetay in markii Omar al-Bashir loo sii waday xafiiska dacwad oogaha uu qoslayay lana sheekaysanayay ciidamada ilaalada, laakinse daqiiqado kadib markii la soo celiyay waxaa wajigiisa ka muuqatay caro.
Mr Bashir ayaa sidoo kale waxaa laga doonayay Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee ICC, isagoo ku eedeysanaa dambiyo ka dhan bini’aadanimada ee uu ka geeystay gobolka Darfur ee Sudan, inkastoo uu iska fogeeyay eedeymahaasi.