Dalka Kazakhstan oo Maanta ay ka dhacayso Doorashada Madaxweynenimo
Dadka waddanka Kazakhstan ayaa maanta markii ugu horreysya muddo 30 sana ah soo dooranaya madaxweyne, kaddib markii uu dhawaan is casilay hogaamiyihii hore ee dalkaasi Nursultan Nazarbayev.
Dadka ka faallooda siyaasadda dalkaasi dhaca bartamaha Asia, ayaa sheegaya in doorshada Axadda maanta ah dhaceysa uu ugu cad cadyahay madaxweynaha kumeel gaarka ah ee hadda talada haya Kassym-Jomart Tokayev.
Tokayev oo ah 66 jir ayaa taageero xoogan ka heysta madaxweynihi hore Nursultan Nazarbayev.
Nazarbayev oo ah 78 jir ayaa xilka madaxtinimada Kazakhstan hayay tan iyo xilligii Midowgii Soofiyeeti. Is casilaadidiisii uu xilka kaga tagey bishii March ee sannadkaan ayaa aad uga yaabisay shacabka waddankaasi, hase yeeshee wali waxaa la filayaa inuu si dadban u xakumi doono haddii doorashada maanta uu ku guuleysto Kassym-Jomart Tokayev.
Dalka Kazakhstan ayaa ah dal hodon ku ah saliidda. Waan waddanka ugu baaxadda weyn dalalka Islaamka, waxaana ku nool 18 milyan oo ruux.
Facebook Forum